Ciidamo
doonyo watay oo xalay gaaray dekeda degmada Baraawe
Dekeda degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa la soo
sheegayaa iney xalay gaareen ciidamo hubeysan oo gaaraya
boqol askari kuwaasoo labo doonyood.
Ciidamada ayaa la sheegay iney ka tirsan xoogaga taabacsan
Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), iyagoo ka soo
ambabaxay degaanka Goobweyn oo 11km u jirta Magaalada
Kismaayo.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ee dowladda C/qaadir Maxamed
Nuur (Siidii), ayaa xaqiijiyay jiritaanka ciidamada
Barre Hiiraale, ee gaaray Dekeda Degmada Baraawe.
Siidii ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan
sababaha keenay in ciidankan ay degmada Baraawe yimaadaan
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa xusay in Ciidamada
AMISOM ee degmadaasi ku sugan, ay soo weydiisteen in
jawaab laga soo bixiyo, waxay yihiin xoogaga doomaha
ku yimid Baraawe.
Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidamada Barre Hiiraale
oo la hadlay VOA isagoo ku sugan degaanka Goob-weyn
ayaa beeniyey in ciidamo iyaga ka tirsan ay gaareen
degmada Baraawe..