Saraakiil
ka hadashay dagaal ka dhacay inta u dhexeysa Jalalaqsi
iyo B/burde
Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay
inay dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, Qaar kale
oo noolna ay gacanta ku dhigeen.
Taliyaha ciidamada dowlada Qaybta 12-ka Apriil Jen. Max’uud
Maxamed Qaafow ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku
dileen Sarkaalkan dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo
burde iyo Jalalaqsi.
Jen. Qaafow ayaa intaa ku daray in ciidamada Al-shabaab
ay soo qaadeen illaa 3 weerar kuwa dowladana ay iska caabiyeen
ayna dagaaladaasi ku dileen ilaa todoba nin oo Al-shabaab
ka tirsanaa kuwasoo uu ku jiro Sarkaal lagu magacaabi
jiray Shiikh Cali Yare
“Waxaan nolol ku qabanay labo nin oo Shabaab ka tirsan,
dhawaan ayaana warbaahinta u soo bandhigi doonaan” ayuu
yiri Jen. Qaafow oo xusay in ciidamada dowlada ay dagaalkaas
kaga dhaawacmeem sadex askari.
Taliyaha ayaa ku goodiyay in xoogaga Alshabaab ay ka nadiifin
doonaan inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buulo burde, isagoo
xusay iney maanta gaari doonaan degmada Buulo Burde si
ay gaarsiiyaan 19 gaadiid xamuul ah oo sahay gargaarb
sida.
Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa amar ku bixiyey
in degmada Buulo Burde xoog lagu gaarsiiyo gaadiid sida
raashiin gargaar ah oo muddo labo bilood ka badan ku xanibnaa
degmada Jalalqsi.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|