Baaritaano
xoogan oo xalay illaa saaka ka socda degaanka Ceelasha
biyaha
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugida
ayaa xalay illaa saaka howlgal xoogan ka wada degaanka
ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Boqolaal ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran
ee nabad sugida oo ku hubeysan gaadiid fara badan oo kuwa
dagaalka ah ayaa saaka ku waabariistay degaanka Ceelasha
biyaha.
Ciidamadan ayaa dhalinyaro fara badan oo Al-shabaab lagu
tuhmay ka soo xirxiray degaanadaas, iyagoo guryaha degaankaas
qaarkood laga helay hub kala duwan sida dad goob joogayaal
ah ay sheegayaan.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugida
ay saaka xanibeen intii howlgalkaas uu socday dhaqdhaqaaqa
dadka iyo ganacsiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalkan lagu beegsanayey
saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo degaanadaas lagu sheegay
ka dib markii ciidamadu uu soo gaaray war dhinaca sirdoonka
ah oo arintaas la xiriira.
Ma jiro illaa hadda war ku saabsan howlgalkan oo ka soo
baxay saraakiisha taliska nabad sugida hase ahaatee ciidamada
sida gaarka ah u tababaran ayaa had iyo jeer sameeya howlgalo
lagu beegsado dadka xiriirka la leh Al-Shabaab.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|