Al-Shabaab:”
Sakariye labo ka hor ayuu dowlada ku biiray”
Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay hogaamiye ka tirsan
Al-Shabaab oo isku dhiibay dowlada Somalia laguna magacaabo
Sakariye Axmed Ismaaciil kaasoo ka mid ah todoba nin oo
Maraykanku dul-dhigay madaxtooda lacago malaayiin dollar
ah..
War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Sakariye
uu ka baxay safkooda labo sano ka hor uuna ku biiray dowlada
Somalia, iyagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in laga dhigo
qof cusub oo hadda isa soo dhiibay.
Al-shabaab ayaa sheegtay in sababta hadda
loo shaaciyey wax cusubna looga dhigay isa soo dhiibida
Sakariye ay tahay si indhaha ra’yul caamka looga jeediyey
weerarkii ka dhacay xarunta AMISOM ee Xalane.
“Diyaarad UN-ku leeyahay ayaa Zakariye ka
qaaday magaalada Muqdisho kadibna ku dajisay degmada Ceel-Waaq
ee gobolka Gedo halkaasoo ammaankiisa ay ku ilaalinayaan
maleeshiyaad magaca DF-ka ah wata balse dowladda Kenya
sanado ka hor soo tababartay wuxuuna socdaal ku tegay
wadamo dibadda ah sida Qadar isagoo wada shaqeyn dhaw
lalahaa dowlado caalami ah iyo DF-ka ah waana wax lala
yaabo in hadda wax cusub laga dhigo is dhiibidiisa” ayaa
lagu yiri hadalka ka soo baxay Al-Shabaab.
Sirdoonka dowlada Somalia ayaa shalay sheegay
in Sakariye oo mar ku-xigeen u ahaa hogaamiyihii hore
ee Al-Shabaab uu isku dhiibay ciidanka dowlada ee ku sugan
degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|