Ra'iisul
Wasaare Dr. Cumar C/rashiid oo maanta si rasmi ah xilka
ula wareegay
Muqdisho, December 25, 2014------ Munaasabad
ballaaran oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
ayaa waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha
cusub mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxaana
munaasabadan goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xilka
wareejinayay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo
madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan xubnihii
golaha Wasiirada, waxana ugu horeyntii goobta hadal ka
jeediyay Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinayay Mudane
Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna xusay in 12 bilood ka
hor uu goobtan maanta munaasabaddu ka dhaceysay uu kula
wareegay xilka , xilkuna yahay meerto. Uuna maanta ku
faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Mudane Cumar C/rashiid.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin
kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay,
isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha
Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha,
iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka iyo arrimaha
Federaalka oo guulo waaweyn laga soo hooyay sida uu hadalka
u dhigay.
“Waxaan kula dardaarmayaa walaalkeey Ra’iisul Wasaaraha
cusub dulqaad iyo wadashaqeyn dhow oo uu la yeesho hay’addaha
dawladda, sidoo kale waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo
xubnihii golaha Wasiirrada ee ila soo shaqeeyay, Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud fursadii uu
iisiiyey in aan dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo iyo xulashada
Mudane Cumar C/rashiid” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli
.
Intaasi kadib, waxaa goobta ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha
xilka la wareegay Mudane Cumar C/rashiid , isaga oo tilmaamay
inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo si Dimuqraadi
ah xilka kula kala wareegeysa, wuxuuna ku tilmaamay biseyl
siyaasadeed iyo horumar aragtida siyaasadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahad-naqay Ra’iisul Wasaare
Cabdiweli Sheekh Axmed iyo golihiisii Wasiirada, wuxuuna
caddeeyey in wax badan ay qabteen, inta hartayna ay dhameystiri
doonaan.
“Waxaan halkan uga mahadcelinaya Ra’iisul Wasaarihii
hore Mudane Cabdiweli Shekh Axmed iyo golihiisa wasiirrada,
oo runtii soo qabtay shaqooyin badan mudadii koobnayd
ee ay xafiiska joogeen, waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo
Xukuumadda aan soo dhisayo in ay sii xoojin doono isla
markaana ay dhamaystireyso howlaha harsan” ayuu yiri R/Wasaare
Sharma’arke.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa si kooban uga hadlay muhiimadda
xukuumadiisa hortaala isaga oo xusay inay tahay tan koobaad
Sugida Amniga iyo Xasilinta, tan labaad Garsoorka iyo
Cadaalad, Aas aasida adeegyadii bulshada sida caafimaadka
iyo waxbarashada.
Guddiga loo xil-saaray Munaasabadda Xil-wareejinta kana
soo shaqeeyey munaasabaddan isla markaana isku soo duway
Documentska xafiiska, tirakoobka shaqaalaha iyo qalabka
xafiisku ku shaqeeyo ayaa goobta ku soo bandhigay labo
Documenti oo ka tarjumayay dhamaan Feylasha xafiiska,
mashaariicdii ay xukuumadu waday, hindise sharciyeedyadii
golihii wasiirada ay u gudbiyeen Golaha Baarlamaanka,
tirakoobka shaqaalaha, waxana labada Ra’iisul Wasaare
ay halkaasi ku saxiixeen labo Documenti, iyadoo madaxweynaha
Jamhuuriyadduna uu goob jooge ahaan u saxiixay daraftiikiisa.
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo xiray munaasabadda ayaa
uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaarihii hore mudadii uu xafiiska
joogay howlihii ay soo qabatay xukuumadii uu hoggaaminayey,
waxana uu kula dar-daarmay Ra’iisul Wasaaraha cusub in
uu sii wado inta dhiman isla markaana looga fadhiyo Xukuumadd
dalka gaarsiin karta hiigsiga 2016.
Fadlan halkan kala dag Khudbadihii
--DHAMMAAD---
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
E-mail: axmednuur59@gmail.com
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter
Facebook


















Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|