RW Cumar
C/rashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad
xasiloon oo isfaham leh” (SAWIRRO)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke
ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha
Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh
Maxamuud, si ay u siiyaan codka kalsoonida kadib markii
uu Madaxweynuhu magacaabay 17-kii bishan.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Barlamaanka ka hor
akhriyey khudbad ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumadiisa,
iyo qaab ka ay noqonayso xukuumada cusub oo soo dhiso
doono.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo
arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro
isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida
ciidan qaran oo tayo leh.
“Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan
soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon
doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed,
isla markaasna leh karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo
firfircooni. Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu
noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka
Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada
Bulshada sida ugu dhakhsida badan” ayuu yiri Ra’iisul
Wasaare Cumar
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu
noqon doonto mid ay kala dhaxayso wada shaqayn dhamaan
Hay’adaha dowaldda, si loo helo xasilooni siyaasadeed
oo dalka ka saari karta marxalada uu hada kujiro, loona
xaqiijiyo hirgalin aragtida 2016.
“Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, aniga
oo kaashanaya Madaxweynaha,Hoggaanka Golaha Shacabka,
Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed,
waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo
isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal
iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida
Shacabka Soomaaliyeed.Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka
Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka qaranimada
Soomaaliya” ayaa yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay
in xasilooni la’anta Siyaasaddu.ay halis gelin karto,
Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dalka
iyo Dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku noqon karta bisaylkii
siyaasadeed ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay
Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey xubnaha
golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen Ra’iisul
Wasaare Cumar C/rashiid, isagona sheegay in uu balan qaadayo
inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul
wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada
isagoona sheegay inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.
“Waxaan idinka mahadcelinayaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha
cusub ee Somalia oo aan u soo magacaabay Danjire Cumar
oo kalsooni aan ku qabo inuu howlaha harsan dhameystiri
karo, sidoo kalena uu sii wadi karo howlihii labadii sano
ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan
oo ugu baaqay R/Wasaare Cumar inuu degdeg ugu hawlgalo
dhisidda xukuumad cusub si loo gaaro hadafka dalka ee
ku aaddan horumar, ammaanka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016.
--DHAMAAD—
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|