Gudoomiye Jawaari “Looma
dulqaadan doono khilaaf dambe oo soo kala dhex gala
Madaxweyne iyo raisul wasaare"
Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed
Cismaan Jawaari ayaa madaxweynaha iyo raisul wasaaraha
dalka uga baaqay iney ka fogaadaan wax kasta oo khilaaf
ka dhex abuuri kara.
Jawaari ayaa hadalkan ka sheegay kulankii
baarlamanka ee maanta oo codka kalsoonida lagu siiyey
raisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.
“Dalkeena ma xamili karo, shacabkana uma dulqaadan doonaan
khilaaf dambe oo la mid ah kii xukuumadii hore oo dalka
geliyey xasilooni daro siyaasadeed muddo labo bilood ah,
Ilaahay baa naga dhameeyey maahane xaalad qatar ah ayuu
dalka geliyey” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka.
Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in khilaafkii ugu
dambeeyey ee madaxda dowlada uu saameyn xun ku yeeshay
baarlamanka, uuna curyaamiyey howlihii xukuumada, isagoo
madaxda dowlada ugu baaqay iney ka fogaadaan khilaafaadka
ayna bulshada ugu shaqeeyaan si daacadnimo ah.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|