Xisbiga Midnimo Qaran
oo talooyin muhiim ah u soo jeediyey raisul wasaaraha
dalka Cumar C/rashiid
War-Murtiyeed
بسم الله الرحمن الرحيم
XMQ wuxuu uhambalyeynayaa Ra'isulwadaaraha
maanta la siiyay codka kalsoonida Mudane Cumar Cabdirashid
Cali Sharmaarke, wuxuuna usoo jeedinayaa talooyinka
soo socda:

1. Dhaqangelinta dastuurka kumeelgaarka ah oo kala qayaxaya
awoodaha Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Garsoorka iyo
Madaxweynaha anaga oo u aragna in Xad-gudub kasta oo lagu
sameeyo awoodaha dastuurka horseedi karo khilaaf soo cusboonaada
iyo isqabqabsi aan laheyn dhamaad.
2. Dhismaha xukuumad loo dhanyahay oo aay kawada qeyb
galaan dhamaan dhinacyadii isku khilaafay mooshinkii laga
keenay Ra'isulwasaare hore Cabdiweli Sheikh axmed .
3. Mudnaanta koobaad in lasiiyo la dagaalanka musuqmaasuqa
, ninjecleysiga , laaluush siyaasadeedka baahay, kuwaas
oo dhamaantood khatar ku ah nolasha iyo jiritaanka dawladnimada
Soomaaliya.
4. Dedejinta in la qaado talaabooyin cad-cad oo lagu
hirgelinayo Hiigsiga 2016, si loogu gudbo dawlad dimoqaraadi
ah oo haysata taageerada dadweynaha, awoodna u leh dib-
u dhiska ha'yadaha qaranka iyo ilaalinta karaamada iyo
sharafka umadda.
5. Xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka
si loo hello kalsooni wada-shaqeyneed oo joogta ah, taasoo
yareynkarta soo noqoshada khilaaf ragaadiya habsami usocodka
howlaha xukuumadda
6- Ugu danbeyntii, waxaan u rajeyneynaa Ra'isulwasaaraha
guul, waxaana Ilaah uga baryeeynaa inuu waafajiyo wixii
ummada kheyr u ah, kuna toosiyo waddda saxda ah, dadkeyna
gaarsiineysa nabad, midnimo iyo barwaaqo.
Dhammaad.

Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaaradan laga
leeyahay wadanka Jordan (Urdun) oo kamid ah dalalka xulafada
kula ah Maraykanka duqeynta lagu wado kooxda ISIS ee Siiriya
iyo Ciraaq.
Qaar kamid ah goobaha Internetka ee lagu taageero kooxda
ISIS ayaa lagu soo bandhigay sawirka duuliyihiin diyaaradaasi
oo nool isla markaana ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanada
ISIS.
Dowlada Jordan ayaan weli ka hadlin diyaarada la sheegay
in maanta oo Arbaca ah looga soo riday wadanka Siiriya.
Maaha markii ugu horeysay oo diyaaradaha ka qeyb qaadanaya
duqeynta ISIS ay soo dhacaan waxaa horey uga dhintay Maraykanka
mid kamid ah duuliyayaashooda diyaaradaha F16 oo la sheegay
inay la dhacday diyaaradiisa kadib wax lagu sheegay cilad
farsamo.
Balse kooxda ISIS ayaa marar hore internetka ku baahiyey
in ay horey usoo rideen diyaarado kala duwan oo ay leeyihiin
dowladaha uu Maraykanka hogaaminayo, walow warbixinadaasi
hore aan loo heyn wax xaqiijiya.
W/ Q Khalid Yusuf
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|