Xasan
Sheikh oo ogolaaday in Dowlada Etoobiya la wareegto Soomaliya
iyo Tarsan oo qeyla dhaan ka keenay
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur
Tarsan oo ka hadlaayay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha
Jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud
oo ahaa in Kismaayo la geyn doono ciidamo ka socda dalka
Ethiopia ayaa waxa uu Tarsan arrinkaasi ku sheegay mid
uusan ka fiirsan.
Tarsan ayaa waxa uu sheegay in shaqsi ahaan aysan la
wanaagsaneyn in Madaxweyne Xassan uu hadalada noocaasi
ah ka sheego munaasabadaha, wuxuuna tilmaamay in Xassan
sheekh looga baahan yahay inuu dib u eego colaadihii dhiiga
badan uu ku daatay ee u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia
waxa uuna tusaale usoo qaatay dagaaladii dalka ka dhacay
xiligii maxaakiimta.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxa uu sidoo kale Cod dheer
ku sheegay in DF Somalia gaar ahaan Golaha shacabka aysan
Ogolaan in Ciidamada Ethiopia la geeyo Kismaayo, si ay
u bedelaan Ciidamada Sierra Leone.
“Waxaan ka digahayaa in dowladda Somalia aysan ku degdegin
ogolaasha ciidamada Ethiopia in la geeyo Kismaayo” ayuu
yiri Maxamuud Axmed Tarsan oo bishii hore kaga dhawaaqay
magaalada Muqdisho Xisbi la magac baxay Cadaallada Bulshada.
Sidoo kale Mr Tarsan ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia
oo ka mid ah AMISOM ay ku sugan yihiin afar gobol oo Istiraatiiji
ah Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud, sida uu yiri.Tarsan
oo hadalkiisa siiwata waxa uu yiri “Ciidamada Ethiopia
waxay ku sugan yihiin afar gobol oo istaraatijiyad ahaan
aad muhim ah ama sida ay ku magacaabaan afar sector oo
kala ah Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Hadii ciidamada
Ethiopia la geeyo Jubada Hoose waxay noqoneysaa arrin
walwal iyo shaki gelin karta shacabka Somaaliyeed”.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Xisbiga Cadaallada Bulshada
Tarsan waxa uu aad walaac uga muujiyay saameynta uu dalka
ku yeelan karo in Ciidamada Ethiopia gobol waliba barwaaqa
sooran ah xarun looga dhigo, isagoona taasi ku sheegay
ka fiirsasho la’aan heysata Madaxda dalka, gaar ahaan
Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ee dhawaan gaaray
Magaalada Kismaayo.
Tarsan waxa uu madaxda iyo saraakiisha Ciidamada Ethiopia
ugu baaqay in aanay shaki abuurin oo aanay marnaba ogolaan
in ciidankooda geeyaan Somalia, iyadoo tixgelineysa isu
soo dhowaanshaha labada shacab sida uu yiri.
Xigasho alltusaale.com/
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|