Al-Shabaab
oo sheegtay in xabadooda ay ciidanka Siere-leone ku
qasabtay iney dalka ka baxaan
Xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay ka hadleen qorshaha ciidanka
Sierria Leone ay kaga baxayaan gudaha Soomaaliya, ka
dib markii la waayay ciidan lagu bedelo kuwa Soomaaliya
jooga sababo la xiriira markii cudurka Ebola oo dalkooda
fara ba’an ku haya.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ugu qaabilsan gobolada Jubooyinka
Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay iney filayeenin
Ciidamada Sierra Leone ay isaga baxaan Jubbooyinka.
“Ciidamada Sierra Leone way sii joogi waayeen Gobolka
Jubbada Hoose, xabadda mujaahidiinta oo xanuunjisay awgeed
taasoo ay adkeysan waayeen” ayuu yiri Shiikh Xudeyfa oo
la hadlay warbaahinta taageerta Al-Shabaab.
Sheekh C/raxmaan Xudeyda ayaa xusay tan iyo markii ciidamada
Sierra Leone ay cagta soo dhigeen Kismaayo, Afmadow iyo
Taabto inay ku bilaabatay rasaasta dagaal-yahanada Al
Shabaab, ayna u adkeysan kari waayeen.
“Haddii sida ay sheegayaan la waayey ciidamo bedela kuwa
hadda jooga ayaa lagu amri lahaa iney sii joogaan, arintaas
waxay ku tuseysaa in arintaas ay iska tahay marmarsiiyo,
sababta dhabta ah ee ay u baxayaana ka cararka xabada
mujaahidiinta” ayuu yiri Shiikh Xudeyfa.
Ciidamada Sierra Leone ayuu sheegay in khasaarihii ugu
xooganaa ay ku gaarsiiyeen inta u dhaxeyso Taabto iyo
Dhoobley, xilli ay doonayeen inay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyaan,
isagoo xusay iney gaadiid iyo askar badan ku waayeen.
Toddobaadkii hore ayey aheyd markii la go’aamiyay in dib
loogu celiyo dalkooda ciidamada Siere-leone markii la
waayay ciidan kale oo bedel u noqda sababo ku aadan cudurka
Ebola oo si weyn ugu sii baahaya dalkaasi, iyagoo dalkooda
dib ugu laabanaya bisha soo socoto ee Janaayo.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|