|
Waa maxay
muhimada uu leeyahay heshiiskii ay Jabuuti ku saxiixeen
Somaliland iyo Somalia? (Falanqeyn)
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh
Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa ay December 21,
2014 ku kulmeen Magaalada Djibouti ee caasimada dalka
Djibouti waxa ayna saxiixeen heshiis ka kooban dhowr
qodob oo badanood ahaa kuwa ku jiray heshiisya hore.
Qodobka 1-aad ee hesiiska ayaa waxa uu yahay “In la dardar
geliyo wadahadalada labada dhinac waqtina lagu jaangooyo”
iyada oo qodobka labaad ee heshiisku leeyahay, “Labada dhinac
waxa ay ku heshiiyeen in arimaha siyaasada ee masiiriga
ah lagu dhiirado lana fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay
oo kala ah”
a) In laga dhowrsado wixii wadahadalada carqalad gelin kara
b) In aan la siyaasadeyn deeqaha Aadanimo iyo mashaariicda
dib u dhiska, walibana la dhiirri geliyo
c) In la fuliyo heshiiskii hawada iyada oo farsamo lagu
saleynayo wixii lagu heshiiyay.
3) labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in wadahadalada laga
qeyb geliyo dowlada Djibouti marka loo baahdo.
4) labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen ilaalinta xuquuqul-insaanka,
iskaashiga nabad-gelyada iyo in meel looga soo wada jeesto
ladagaalanka argagaxisada, burcad badeeda iyo denbiyada
abaabulan.
5) in madasha tan ku xigta ee ay ku kulmayaan ergooyinka
labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27
February 2015 laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga
6) Waxa ay labada madaxweyne u mahadceliyeen madaxweynaha
Jamhuuriyada Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaa
oo marti geliyay wadahadaladaan kadib markii ay ka codsadeen
labada dhinac.
Ahmiyada ay leeyihiin qodoba lagu heshiiyay
Inta badan Qodobada heshiiska ay ku gaareen Xassan Sheekh
iyo Siilaanyo ayaa ah kuwa soo noqnoqday oo sidaan oo kale
horay loogu saxiixay shirar ka dhacay Turkiga.
Muhiimadii loo soo bilaabay wadahadaladaan muda sanado laga
joogo oo aheyd in Soomaalidu midoowdo labada dhinacba waa
iska ilaaliyaan in ay soo hadal-qaadaan arintaas oo hor-seedi
kartay in guul la gaaro ama la guul dareesto.
Maamulka Somaliland waxa ay shaaciyeen in ka goosteen Soomaali
inteeda kale bilaawgii 1990-kii iyaga oo gucanaya dhacdooyin
dhowr ah oo ay ugu weyneed Diyaaradihii duqeeyay Hargeysa
xilligii dowladii kacaanka iyo awood qeybsigii koofur iyo
waqooyi oo aan loo fulin sidii ku talagalku ahaa.
Iyada oo ay muhiimad gaar ah u leedahay Soomaalida oo dhan
in lamidoobo, taa bedelkeedana aysan wax dan ah ku jirin
in deegaanada Somaliland ay gaar u go’aan ayaa hadana siyaasiyiin
Somaliland kasoo jeeda waxa ay hurinayaan dhaq-dhaqaaqyada
gooni u goosadka ah iyaga oo koofurta u arka mid dhib ku
heysa, gaar ahaan awood qeybsiga oo lagu takri falay.
Gabagabadii, dadka falanqeeya siyaasada waxa ay sheegayaan
in gabi ahaanba qodobada lagu heshiiyay aysan laheyn wax
ahmiyad ah, maadaama ay u muuqaal egyihiin filim horay loo
daawaday oo ku celis ah, aanna loo gudbin marna bar-tilmaameedka
oo ahaa in laga hadlo sidii Soomaalida mar labaad loo mideyn
lahaa.
W/Q: Cabdi Fitaax Xaashi Nuur
Email: nuurbiin78@gmail.com
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|
|