Ciidamada
huwanta iyo xoogaga Al-Shabaab oo xalay isku fara saaray
duleedka degmada Baraawe
Dagaal culus ayaa xalay waxaa uu ka dhacay duleedka degmada
Baraawe ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray xoogaga Al-Shabaab
iyo ciidamada huwanta.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii
ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen
fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
ku leeyihiin dhinaca koonfureed ee degmada Baraawe.
Shacabka Baraawe ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen daryanka
qaraxyo waaweyn iyo rasaas aad u culus oo labada dhinac
ay isweydaarsanayeen, iyagoo intaa ku daray in
weerarka Al-shabaab ay xalay soo qaadeen uu ahaa mid aad
u abaabulnaa, maadaama waayahan weeraro noocaasi oo kale
ah aysan ka dhicin Baraawe.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee Baraawe ku sugan
ayaa sheegay in xalay saacadu markii ay aheyd 10:00 caweysnimo
ay weerar soo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, isagoo
intaasi ku daray in dagaalka uu socday muddo saacad ka
badan, la iskuna adeegsaday hub kala nooc ah.
Taliyaha guutada 3aad ee ciidamada dowladda Hilowle Ciise
Hagarey ayaa ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka
ay soo qaadeen Al-Shabaab isagoo qiray dagaalka inuu ahaa
mid daran.
Hilowle wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda ay
eryadeen kooxihii weerarka soo qaaday, ayna khasaaro dhimasho
iyo dhaawac isugu jira gaarsiiyeen.
Al-shabaab kama hadlin ilaa hadda dagaalkan, mana jiraan
warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan,
balse xaalada Baraawe ayaa degan saaka iyadoo shacabku
ay ay hadal hayaan dagaaladii xalay ka dhacay duleedka
degmadaas.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|