Rag ka ganacsanayey hilibka
Dameeraha oo lagu qabqabtay xaafado ka tirsan magaalada
Balad-weyne
Ciidamada Booliska magaalada B/weyne ayaa
maanta xaafada Kooshin ee magaaladaas ka tirsan ku qabqabtay
rag la sheegay iney ka ganacsanayeen hilibka dameeraha.
Raggan oo ka koobnaa afar nin oo mid ka
mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa
markii la qabanayey waxay wateen hilibka iyo haraga dameer
ay soo qaleen.
Mid ka mid ah raggan oo wax laga weydiiyey halka ay geyn
jireen iyo cida ay ka iibiyaan hilibka dameeraha ayaa
waxaa uu sheegay in hilibka dameeraha ay u isticmaalaan
iney kalluun kaga dabtaan webiga Shabelle ee magaaladaas
dhexmara, aysana jirin cid ay ka iibiyaan.
Saraakiisha ciidamada Booliska magaalada Beled-weyne ayaan
la hadlin xariga raggan lagu eedeeyey iney ka ganacsanayeen
hilibka dameeraha.
Waa markii ugu horeysay ee magaalada Belad-weyne lagu
arko rag wata hilibka dameeraha oo aan ka mid aheyn xaywaanada
hilibkoodu ay Soomaalidu cunto, waxaana arintan si weyn
ula yaabay shacabka magaalada B/weyne.
Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com
Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com
|
|