Soomaalida Qaadka cunto oo caro weyn ka muujiyay go'aanka looga mamnuucaayo Qaadka Dalka Ingriiska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Soomaalida qaadka cunto ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay caro weyn ay ka muujiyeen go'aan looga mamnuucaayo qaadka dalka Ingiriiska

Daawo Muuqaal Qaylada kasoo Yeertay Soomaalida Qaadka Cunta ee UK ku Nool

Soomaalida qaadka cunto ee ku nool magaalada Bristol ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay ka caroo deen islamarkaana ay cabasho weyn ay ka muujiyeen go'aan ay dhawaantaan ku dhawaaqday xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalkaas Ingiriiska haweeneyda lagu magacaabo Theresa May oo ay dalka Ingiriiska kaga mamanuucayso gebi ahaanba qaadka, Soomaalidaan ayaa waxay sheegeen inaysan wax dhibaato ah ku qabin qaadka arintaan looga mamanuucaayo qaadka dalka Ingiriiskuna ay tahay wax laga xumaado, Anigu 25 sanandood ka badan ayaa qaadka cunayaa waxaan ahay nin xaas iyo caruur leh waan shaqeystaa oo waxaan ahay ganacsade wax dhibaato ahna waligey kalama aana kulmin qaadka sidaas waxaa yiri Maxamuud Mataan oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Ugu dambeyntiina iyadoo qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska ee cuna qaadka ay ka hor yimaadeen arintaas islamarkaana ay ku tilmaameen inaysan arintaan wax xal ah soo kordhinaynin inay dhibaatada ka sii darto ma ahanee ayaa qaar ka mid ah muqayiliintaas waxay kale oo ay sheegeen inay arintaan keeni karto inuu qaadku uu noqdo mid si koontrabaan ama tuugo ah ku soo galo qaadka dalka Ingiriiska arintaasna ay leedahay dhibkeeda halka ay qaar kalena ay sheegeen inay arintaan keeni karto inay dadka qaadka cuni jirey ay u wareegaan balwadaha kale ee ay qamrigu ka mid tahay taas oo sida muuqatana ay dhibaatada qaad la'aantu ay dhalisay dhibaato ka daran dhibkii lala dagaalamaayey , Gudiga kala talio arimaha daroogada ee dowlada Ingiriiska ayaa arintaan aan wali ku qanacsanayn ayagoona sheegay inuusan qaadku wax dhib ah haba yaraatee uusan ku haynin dadka Soomaaliyeed ee qaadka cuna, Laakiin dowlada dalka Ingiriiska ayaa u muuqata mid tixgalin gaar ah siinaysa codsiyada ahaa inay ka joojiso qaadka dalkeeda ee kaga yimid wadamada reer Yurub oo u arko inuu Ingiriisku noqday halka uu kaga yimaado qaadka sida tuuganimad ah lagu soo galiyo dalalkooda.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com




Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: Dayniilecom@hotmail.com