Hooyo
Soomaaliyeed oo Carabka qeyb ka mid ah ka go'an oo ku
nool Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
Xaliimo Nuur Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed
kana go’an qeybo kamid ah carabka oo ah xubin muhiim
u ah Aadanaha ayaa waxa ay nolol tii ugu xumeed ku heysataa
Kaamka Sayidka ee ku yaalla dhanka Galbeed ee xarunta
baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
.jpg)
Hooyo Xaliimo oo aan hadli Karin maadaamaama
xubintii hadalka ay ka maqantahay ayaa waxaa xaaladeeda
nooga waramay mar aan ku booqanay aqal cooshado ka sameysan
oo aan celi Karin dhadiga iyo dhedada toona, gabar ay
dhashay oo lagu magacaabo Saynba Cali Maxamed oo ah
ruuxa kaliya ee kanool dhaman caruurtii ay dhashay Maadama
Xanuunsaneysa.
Saynba Cali Maxamed ayaa waxa ay noo sheegtay in hooyadeed
oo dhashay caruur ku dhaw 10 hasa yeeshee kaligeed ay
ka nooshahay ay ka jiratay carabka kadibna uu qeyb qeyb
u go’ay iyada oo intaa ku dartay in xanuunku uu uga
fiday dhanka cunaha oo aysan cunna adag qaadan Karin
xilligaani.
Saynba Cali Maxamed ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in
hooyadeed la sheegay in uu hayo Kansar kadib markii
ay la kulantay dhaqaatiir Muqdisho saldhigoodu yahay
kuwaas oo faray iyada in hadii ay suuragal tahay loo
qaado dibada si loogu soo daweeyo.
Waxa ay intaa ku dartay in aysan kaalmo helin intii
ay xanuunsaneysay aysanna iyada suuragal ka aheyn in
ay hooyadeed geyso goob caafimaad oo wax looga qaban
karo maadaama aysan heysan dhaqaale arintaasi lagu dabooli
karo.
Waxa ay ka codsatay Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta
oo wax-heysata in ay usoo gurmadaan hooyadeed si ay
uga qeyb qaataan bad-baadinta nafteeda.
Cidii dooneysa in ay caawiso Xaliimo Nuur Cabdi waxa
ay kala xariiri kartaa taleefan number: 00252-615320914.
Taleefankaan waxaa haya Saynba Cali Maxamed oo ah gabadha
ay dhashay maamo xaliimo ee hada xanaaneysa.