Cristiano
Ronaldo oo farta ka saaray kooxda Real Madrid koobka
UEFA-Super Cup 2014 (Daawo Muuqaal+Sawiro ) !!
Xiddiga Qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa kooxda
Los Blancos Real Madrid wuxuu u suurto galiyay inay
qaadaan koobka UEFA Super Cup 2014 oo ciyaartiisii fiinaalka
eheed lagu qabtay magaalada Cardiff ee dalka Wales.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Kulankaan oo ahaa mid adag waliba dhex maray kooxaha
Real Madrid oo soo qaaday koobka UEFA Champions League
iyo kooxda Fc Sevilla oo iyana ku soo guuleeysatay koobka
UEFA Europa League ayaa waxaa 2-0 ku badisay kooxda
Real Madrid.
Goolasha Real Madrid oo aad u qurux badnaa waxaa dhamaan
u wada saxiixay laacib Cristiano Ronaldo (daqiiqadihii
30-aad iyo 49-aad) ka dib markii uu labo baas ka kala
helay laacibiinta kala ah Gareth Bale iyo Karem Benzema.
Waa markii labaad oo ay kooxda Real Madrid qaado koobka
UEFA Super Cup tan iyo sanadkii 2002-dii.
Kooxda Fc Sevilla waxaa koobkaan UEFA Super Cup-ka
ugu dambeeysay sanadkii 2006 xiligaas oo ay 3-0 kaga
qaadeen kooxda Fc Barcelona oo wadatay laacibiinta kala
ah Lionel Messi, Ronaldinho iyo weeraryahan Samuel Eto’o.
Koobkaan waxaa sanadkii ugu dambeeyay qaaday kooxda
Fc Bayern München oo Rigooreyaal kaga qaaday naadiga
Fc Chelsea. Kulankaan adag waxaa soo xaadiray in ka
badan 31.000 oo taageerayaasha labada dhinac ah.
XIDDIGAHA REAL MADRID VS FC SEVILLA AYAA QAABKAAN ISKU
FARA SAARAY :
Real Madrid : Goolhaye Casillas - Carvajal, Pepe, Ramos,
Coentrao (84./Marcelo) - Kroos, Modric (86./Illarramendi)
- J. Rodriguez (72./Isco) - Bale, Benzema, C. Ronaldo
.
FC Sevilla : Goolhaye Beto - Coke (84./Figueiras),
Pareja, Fazio, Navarro - Krychowiak, Carrico - A. Vidal
(66./Aspas), Suarez (79./Reyes), Vitolo - Bacca .
Halkaan
ka Daawo Real Madrid Vs Fc Sevilla iyo Goolashii la
iskaga badiyay