Wasiirka
Gaashaandhiga Soomaaliya oo rajo xumo ka muujiyey dhismaha
ciidan Qaran oo awood leh
Wasiirka difaaca Somalia Maxamed Xasan
Xaamud ayaa sheegay inaan xiligan la dhisi Karin ciidamo
qaran oo awood buuxda leh mar uu la hadlayey idaacada
BBC-da.
Xaamud oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee booqanaya
dalka Maraykanka ayaa sheegay sababaha ugu waaweyn ee
hortaagan dhismada ciidan qaran oo tayo leh ay ka mid
tahay xayiraada hubka ee weli saaran Somalia.
“Lama awoodi karo xiligan in la dhiso ciidan tayo leh,
waayo ciidamada waxay u baahan yihiin waxyaabo badan
oo fududeynaya dhismahooda, waxyaabaha ugu waaweyn ee
arintaas hor taagana waxaa ka mid ah xayiraada hubka
ee Somalia saaran” ayuu yiri Xaamud.
Xaamud wuxuu sheegay in hadii la qaado cunno-qabateynta
ay awood u leeyihiin inay dhisaan ciidammo tayo leh,
isagoo xusay in siyaasada wasaaraddiisa ay tahay sidii
loo dhiso lahaa ciidammo tababar iyo farsamo leh oo
la wareega amaanka dalka sanadahaha soo socda.
“Horumarka dhulka wuxuu ku xiran yahay dib u dhiska
ciidamada xoogga dalka, wasaaradda Gaashaandhiga waxay
qorsheynaysaa inay dhisto ciidamo laga soo qoray gobollada
dalka oo dhan, kuwaasoo leh awood ay soohdimaha dalka
ku ilaaliyaan,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray