Gudoomiye
Mungaab oo gaaray magaalada Stokchom ee dalka Sweden
si diirana loo soo dhoweeyey (SAWIRRO)
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa
magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab iyo
wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Stokchom
ee dalka Sweden.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Socdaalka gudoomiye Mungaab iyo wafdigiisa ayaa ka dambeeyey
markii ay casuumaad ka heleen duqa magaalada Stokchom
Mr. Sten Nordin.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa markii uu ka soo degay garoonka
dayaaradaha magaalada Stockholm waxaa halkaas ku soo
dhoweeyet Soomaali badan oo garoonka u tegay inay soo
dhaweeyaan, wuxuuna u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay.
Mungaab ayaa inta uu dalkaas joogo waxaa sidoo kale
uu la kulmi doonaa Baarlamanka Swedan iyo Soomaalida
ku dhaqan dalkaas oo uu kulan weyn kala qeybgeli doono,
waxaana ka dib uu safaro kan la mid ah ku tegi doonaa
dalal ka tirsan Yurub.