Xildhibaan C/weli Qanyare “Qofkii Mas’uuliyad loo dhiibo wuxuu doonayaa sidii guri uu leeyahay inuu u maamusho”


Xildhibaan C/weli Max'ed Qanyare ayaa Idaacadda VOA-da Laanteeda Soomaaliga ugu waramay weerar xalay gurigiisa ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Nabasugida Dowladda, weerarkaas oo geystay qasaare isugu dhimasho & dhaawac, waxaana dadka weerarkaasi ku dhintay ka mid ah Taliyihii ciidamada Nabadsugida ee weerarkaasi horkacayey.

C/weli Qanyare wuxuu sheegay in xalay xillli ay fiidnimo aheyd uu ka war helay xabbado gurigiisa ka dhacaya; isaga oo maleynayey in ay soo weerareen kooxda Alshabaab, balse markii ay rasaastu joogsatay uu ku war helay in qolada soo weerartantay ay ahaayeen ciidamada nabadsugida Dowladda.

"Markii ay xabbadu istaagtay oo meelo badan aan la hadlay ayaa la ii xaqiijiyey in ciidamada na soo weeraray ay ahaayeen Nabadsugida Dowladda, Markii aan weydiiyey ee aan iri maxaa la igu soo weeraray waxaa la iigu jawaabay, nin baa gurigaaga ku jira ee soo dhiib" Ayuu yiri C/weli, oo intaasi ku daray in uusan qofna gurigiisa ku jirin xilliga la soo weeraray, isaga oo intaa sii raaciyey in dhibaatada Soomaaliya haysata ey tahay in qof kasta oo mas'uuliyad loo dhiibo uu doonayo in sidii guri uu isagu leeyahay inuu u maamulo wax ummada oo dhan ka dhexeeye.

C/weli wuxuu sheegay in duruufaha amni xumo ee dalka ka jirta, ee ay ugu horreeyaan dilalka joogta ah ee lagu hayo Xildhibaanada in tahay mid qatarteeda leh, isaga oo xusay in Dowladdu aaney ciidamo ilaaliya siin Xildhibaanada Baarlamaanka.

"Dowladda ma siiso xildhibaanada ciidamo ammaankooda suga, xildhibaan kasta ciidamadiisa isagaa isu qabo, halkii ay Dowladda damaanad qaadi laheyd ammaanka Xildhibaanada, in aniga la i soo aado ma garanaayo ujeeddada laga lahaa, waxaana u qaatay in ay aheyd aniga in la i qaarajiyo" Ayuu yiri C/weli Qanyare, wuxuuna intaasi sii raaciyey;

"Haddii Dowladdu ay ciidamo u soo direyso guri uu dagan yahaya Xildhibaan waa in lagu soo war-geliyaa waayo qofka Xildhibaanka ah xasaanad ayuu leeyahay"

Xildhibaan Cabdiweli Max'ed Qanyare, wuxuuna intaasi ku daray in awooda Qaranka aanu ku tuman karin qof Nabadsugid, Wasiir ama Taliye ka ah Dowladda, ayna muhiim tahay in wax kasta dhinaca sharciga laga eego.

"Waddanka waan wada ognahay xaaladiisa, qofka xilli habeen ah gurigaaga soo weerara isaga oo aan ku soo wargelin sharcigu wuxuu qabaa inaad iska celiso" Ayuu yiri C/weli, waxaana uu intaasi sii raaciyey in uu maleynayo in Taliyaha weerarkaasi ku dhintay ay haleeshay rasaas ay soo rideen ciidamadii isaga la socday.

C/weli waxaa la weydiiyey xiriirka ka dhexeeya Xildhibaanada & Madaxda Dowladda, waxaana uu sheegay in uu jiro xiriir haddana isaga qudhiisa ay layaab ku noqotay markii Taliye ciidan oo ay maanta taleefan ku wada hadlayeen inuu soo weeraro gurigiisa.

"Ninka Taliyaha ciidamada ah maanta ayaan taleefan ku wada hadleyn, iyada oo aan waxba la ila socodsiin in gurigeyga la soo weeraro waxey aheyd qalad weyn, ma Shabaab ayaan iska ilaalinaa mise ciidanka Dowladda ayaan isla ilaalinaa"

C/weli Qanyare oo wax laga weydiiyey qasaaraha soo gaaray ciidamadiisa waxa uu qiray in weerarkaasi ay 2 askari kaga dhaawacmeen, haddana waxa uu walaac ka muujiyey dadka marasta ah ee degan agagaarka guriga uu dagan yahay ee ku argagaxay markii ay maqleen rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Xigasho: Shabakadda Yoobsannews.com

 


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: Dayniilecom@hotmail.com

 

DecorCollection歐洲傢俬| 傢俬/家俬/家私| 意大利傢俬/實木傢俬| 梳化| 意大利梳化/歐洲梳化| 餐桌/餐枱/餐檯| 餐椅| 電視櫃| 衣櫃| 床架| 茶几

橫額| 貼紙| 貼紙印刷| 宣傳單張| 海報| 攤位| foamboard| 喜帖| 信封 數碼印刷

QR code scanner| SME IT| system integration| inventory management system| label printing| Kiosk| Voice Picking| POS scanner| POS printer| System Integrator| printing labels| warehouse management| thermal printer| mobile solutions| mdm solutions| mobile device management

邮件营销| Email Marketing| 電郵推廣| edm营销| 邮件群发软件| edm| 营销软件| Mailchimp| Hubspot| Sendinblue| ActiveCampaign| SMS

Tomtop| Online shop| Online Einkaufen

地產代理/物業投資| 租辦公室/租寫字樓| 地產新聞| 甲級寫字樓/頂手| Grade A Office| Commercial Building / Office building| Hong Kong Office Rental| Rent Office| Office for lease / office leasing| Office for sale| Office relocation

香港甲級寫字樓出租

中環中心| 合和中心| 新文華中心| 力寶中心| 禮頓中心| Jardine House| Admiralty Centre| 港威大廈| One Island East| 創紀之城| 太子大廈| 怡和大廈| 康宏廣場| 萬宜大廈| 胡忠大廈| 信德中心| 北京道1號| One Kowloon| The Center| World Wide House

| 國際小學| 英國學校| International schools hong kong| 香港國際學校| Wycombe Abbey| 香港威雅學校| school day| boarding school Hong Kong| 香港威雅國際學校| Wycombe Abbey School

Addmotor Electric Bike| Electric bike shop / electric bicycle shop| Electric bike review| Electric trike| Fat tire electric bike| Best electric bike| Electric bicycle| E bike| Electric bikes for sale| Folding electric bike| Electric mountain bike| Electric tricycle| Mid drive electric bike Juiced Bikes Pedego Rad-Power