Dagaal
Kulul afka ah oo dhexmaray Cali Geedi iyo Mas’uul ka
shekeyay Puntalnd, Kadib markii uu soo Galiyay Hadalka
in SSDF ay iska difaacday USC+ Al-Itaxaad.., Sawiro..
Waxaa ka dhacday Nairobi Xaflad lagu taageerayay Maamulka
Puntland, waxaana Goobta ka dhacay dagaal Qaboow oo
ay isku qaadeen Maamulada ka soo kala Jeeda Gobolada
dhexe ee Somaliya iyo Maamulka Puntland.
Xili lagu Jiray Xaflada ayaa waxaa goobta ka hadlay
mid ka mid ah dadkii soo Qaban qaabiyay Xaflada oo ka
sheekeeyay Taariiqdii Puntland, waxa uuna ku soo Daray
Wixii dhacay 1991-dii asaga oo Xiligaas u sheegayay
dadkii iskugu Yimid halkaas Ururadii ka soo Dagaalamay
Somaliya sida SSDF SNM USC.
Waxa uu sheegay Mas’uulkaas in Jabhadii SSDF ay ka
hor timid Dowladii dalka ka Jirtay, waxa uuna sheegay
in Jabhadii USC iyo waxa uu ku sheegaya Al-Itaxaad ay
soo weerareen Deegaanada Puntland asaga oo sheegay in
USC afka Ciida loo daray oo la iska difaacay.
Waxaa hadalkii qaatay Cali Maxamed Geedi oo ay ka Muuqatay
Caro aad u Xoogan waxa uuna Yiri.
Cali Geedi “ Waxaan rabaa in aan Runta sheego ma Jirto
Jabhad ay Weyso u dhowrnayd, Ninkii ka Xuman lahaa iyo
kii ku farxi lahaa, dhamaan Jabhadihii Dalka soo maray
dhibaato ayay Dalka gaarsiiyeen”ayuu si kulul u Yiri
Raisal Wasaarihii Hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi.
Wakaalada Wararka Yoobsannews oo ka soo qaaday Sawir
goobta ayaa waxaa ka Muuqda Sawirka Cali Geedi oo isku
dayaya in uu Gacanta kala hadlo Ninkii hadalka sheegay,
waxa uuna markii Danbe soo Istaagay Goobta, asaga oo
dadkii dhamaa ay u wada Riyaaqeen Hadalkiisa.
Sawirka ay soo qaaday Wakaalada Wararka Yoobsannews.com
waxaa ka Muuqda in Madaxdii uu ka mid ahaa fartaag aya
eegayaan Jawaabta uu Bixinayo Cali Geedi, intii uusan
Tagin Goobta, asaga oo Gacanta taagayo Geedi, waxaana
ka Muuqdo Sawirka in fartaag, Xaji Yaasiin iyo Mas’uuliyiinta
kale ay Eegayaan Jawaabta Deg dega ah oo uu baxshay
Cali Geedi intii uusan tagin Goobta lagu hadlayo.
Wakaalada Warara Yoobsannews.com
Tooshka Yoobsannews Xafiiskeeda Nairobi