Rabshado
looga horjeeday ciidanka AMISOM oo maanta hareeyey magaalada
Marko ee gobolka Shabelaha hoose
Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa
ku dhaawacmay rabshado xoogan oo maanta hareeyey magaalada
Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose ka dib Markii shacab
careysan ay dhigeen dibed baxyo ka dhan ah ciidanka
AMISOM ee magaaladaas jooga.
Shacabka dhigayey dibed baxyada rabshadaha watay ayaa
ka cabanayey howlgal ciidamada AMISOM shalay ka sameeyeen
xaafado ka mid ah magaalada Marko ka dib markii lala
eegtay qarax miino.
Qaar ka mid ah odayaasha magaalada Marko ayaa sheegay
in intii uu howlgalkaas socday ay ciidamada AMISOM xoog
ku galeen guryo ay degan yihiin shacab masaakiin ah
ayna ka geysteen falal iskugu jira jirdil iyo dhac,
ayna sidoo kale rasaas ku dhaawaceen nin dhalinyaro
ah oo ay qabteen.
Dibed baxeyaal careysan ayaa wadooyinka magaalada Marka
gooyey muddo saacado ah iyagoo ku gubay taayerada baabuurta,
socodka dadka iyo ganacsiga ayaa maanta waxay ahaayeen
kuwo gaabis ah.
Ciidamada AMISOM ayaa rasaas ku kala eryey banaanbaxayaal
careysan oo isugu soo baxay agagaarka xeryaha ay ku
leeyihiin gudaha iyo hareeraha magaalada Marko, kuwaasoo
qeylinayey isla markaana tuurayey dhagxaan iyo waxyaabo
kale, hase ahaatee lama sheegin khasaare ay geysatay
rasaastaas.
Xaalada magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa degan
galabta ka dib rabshadihii saaka oo ahaa kuwii ugu xumaa
ee halkaas ka dhaca tan iyo markii Al-shabaab lagala
wareegay, mana jiro hadal ka soo baxay saraakiisha AMISOM
oo ku saabsan rabshadahan.