Xoogaga
Al-shabaab oo maanta mar kale weeraro ka geystay degmada
Buulo Burde ee gobolka Hiiraan
Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa maanta
madaafiic ku weeraray garoonka dayuuradaha degmada Buulo
Burde ee gobolka Hiiraan.
Garoonka Buulo Burde ay waxaa fariisimo ku leh ciidamada
dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana uga soo dega dayuurado
u sida saadka iyo qalabka ciidamada, maadaama degmadaas
ay dhinaca dhulka ka go’doomiyeen xoogaga Al-Shabaab.
Ma cadda khasaaraha madaafiicdan ay geysteen hase ahaatee
ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa ku jawaabay madaafiic
kale oo ay ku rideen goobaha laga soo duqeeyey.
Gudomiyaha degmada Buulo Burde ayaa sheegay in duqeymahaas
ka dib ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ku baxeen
meelaha laga soo riday madaafiicda, ayna kala ceyriyeen
kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meelo ku dhow
garoonka Buulo Burde.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya xili habeen hore dagaalkii
ugu xumaa uu Buulo Burde ku dhexmaray ciidamada huwanta
iyo xoogaga Al-shabaab kaasoo sababay khasaare dhimasho
iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac.