Madaxweyne Gaas oo amray iney Puntland ka baxaan heyadaha aan ogoleyn iney canshuur bixiyaan

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qeyb galay shir balaaran oo looga hadlayay xiriirinta hay’addaha iyo bixinta canshuurta oo qaban qaabadiisa iska kaashadeen Wasaaradaha Maaliyada iyo Qorshaynta ee Maamulka Puntland.

Shirkan oo ku qabsoomay xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ayaa lagu casuumay 50 hay’addood oo 44 kamid ah ay yihiin kuwo caalamiga ah ee ka howlgala Gudaha Puntland, halka lixda kalena ay yihiin ururada maxaliga ah.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa shirka ku soo xeerka canshuuraha Puntland oo ay meel mariyeen labada gole ee xukuumada, Wuxuuna cadeeyay dowladda Puntland inay ka go’an tahay hirgalinta sharuucda canshuuraha oo aan dib looga laaban doonin.

“Ma dhacayso in hadda kadib la yiraahdo waxaa isku canshuur ah qof qaata $2.000 iyo qof ku shaqeeya $70. Waxaan dadka ku dhiiri galinaynaa inay nala qaataan qorshahaan cusub ee aan hirgalinay,” ayuu yiri Shirre oo intaas kusii daray inay xafiis cusub ka furidoonaan wasaaradda qorshaynta kaasoo hay’addaha u fudadayn doono arimaha canshuuraha la xiriira.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyay Madasha ayaa sheegay in Waajib tahay bixinta Cashuuraha isagoo ugu baaqay Hay’addaha dalka in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u hirgaliyaan inay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.

“Majiro aduunka wadan aan cashuur la bixin hadana dowladanimo ka shaqayso, bilowga iyo dhamaadka Dowladnimadu waa bixinta Cashuuraha” Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

“Hadii aan Cashuurta la bixin ma jirayo Nidaam dowliya, amnina ma jirayo dalkuna ma yeelanayo kala dambeyn,sidaa la adligeed waa in la bixiyaa canshuurta “ayuu hadalka Raaciyay Madaxwayne Gaas.

Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Waajib ay ku tahay Cashuurta ay dadka ka qaado in sib cad ugu celiso Dalka iyo Dadkaba si horumar wanaagsan loo gaaro.

“Hal suurtagal maahan mana yeelayno in qofka askariga ah ee Dowladda u shaqeeya ee Qaata 70-dolar waa la cashuuraya oo cashuur baa laga qaadaya laakiin nin u shaqeeya Hay’ad oo qaadanaya 2000-dolar lama cashuurayo isku xaquuq bayna noqonayaan mashaqaynayso haday horay idinku hirgashay hada iska ilaawa’’ ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

“Inaad tiraahdaan qandaraaska aanu anagu bixino Cashuuri kuma waajibto lagaa akhrisan maayo, kuwa cadaanka ah ee wadanka jooga Cashuurta ay aniga ii diidaan bay wadankooda siinayaan, halkaana dakhligaa ka samaysay kama aadan samayna wadanka aad ka timid waa dhaqaale loogu talagalay Puntland iyo Soomaliya” Sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxweyne Gaas wuxuuu sheegay hay’addii aan diyaar u ahayn inay canshuurta bixiso waa inay qorshaheeda kula laabato meelihii ay ka timid.

Wakiilada ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwo maxaliga ah ee shirka ka hadlay aya soo dhaweeyay baaqa dowladda Puntland ee ku saabsan in canshuurta la bixiyo iyagoo dhinaca kale dowladda ka codsaday in nidaam lagu kalsoon yahay loo sameeyo habka canshuurta loo qaadayo isla markaana dadka canshuurta laga qaadayo loo tago oo lagu qanciyo in wax laga qaadayo ay yihiin wax dalka loogu adeegayo.

Xeerka cusub ee canshuuraha ayaa si rasmi ah loo dhaqan galin doonaa bishan soo socota ee september, iyadoo wasaaradda maaliyadu codsatay in lagu dadaalo sidii canshuurta qaadista kor loogu qaadi lahaa si dalka loo hormariyo.


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: Dayniilecom@hotmail.com

 

DecorCollection歐洲傢俬| 傢俬/家俬/家私| 意大利傢俬/實木傢俬| 梳化| 意大利梳化/歐洲梳化| 餐桌/餐枱/餐檯| 餐椅| 電視櫃| 衣櫃| 床架| 茶几

橫額| 貼紙| 貼紙印刷| 宣傳單張| 海報| 攤位| foamboard| 喜帖| 信封 數碼印刷

QR code scanner| SME IT| system integration| inventory management system| label printing| Kiosk| Voice Picking| POS scanner| POS printer| System Integrator| printing labels| warehouse management| thermal printer| mobile solutions| mdm solutions| mobile device management

邮件营销| Email Marketing| 電郵推廣| edm营销| 邮件群发软件| edm| 营销软件| Mailchimp| Hubspot| Sendinblue| ActiveCampaign| SMS

Tomtop| Online shop| Online Einkaufen

地產代理/物業投資| 租辦公室/租寫字樓| 地產新聞| 甲級寫字樓/頂手| Grade A Office| Commercial Building / Office building| Hong Kong Office Rental| Rent Office| Office for lease / office leasing| Office for sale| Office relocation

香港甲級寫字樓出租

中環中心| 合和中心| 新文華中心| 力寶中心| 禮頓中心| Jardine House| Admiralty Centre| 港威大廈| One Island East| 創紀之城| 太子大廈| 怡和大廈| 康宏廣場| 萬宜大廈| 胡忠大廈| 信德中心| 北京道1號| One Kowloon| The Center| World Wide House

| 國際小學| 英國學校| International schools hong kong| 香港國際學校| Wycombe Abbey| 香港威雅學校| school day| boarding school Hong Kong| 香港威雅國際學校| Wycombe Abbey School

Addmotor Electric Bike| Electric bike shop / electric bicycle shop| Electric bike review| Electric trike| Fat tire electric bike| Best electric bike| Electric bicycle| E bike| Electric bikes for sale| Folding electric bike| Electric mountain bike| Electric tricycle| Mid drive electric bike Juiced Bikes Pedego Rad-Power