Kenya: Al-Shabaab
ka nabad geli meyno xitaa aan haddii aan ciidankeena
kala soo baxno Somalia”
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaata ayaa
sheegay in dalkiisa uusan ka nabadgali doonin Weerada
Al-Shabaab xitaa hadii Ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya.
Kenyatta ayaa hadalkan jawaab uga dhigay baaq kasoo
baxay Mucaaradka dalkaas oo ahaa in Ciidamada Kenya
laga saaro Soomaaliya si Al-shabaab ay u joojiso weerarada
ay dalkooda ka wado.
Madaxweynaha Kenya ayaa intaa ku daray weerarada Shabaab
ka fulinyaan meelo ka mid ah gudaha Kenya aysan sabab
u noqon doonin inay ciidankooda kala baxaaan Somalia.
“Maanta Ciidamada haddii aan kala soo baxno Soomaaliya
maxaa damaanad qaad ah oo aad heysataa inaad amaan heleysid
Al-shabaab waa koox argagaxiso ah oo aan heshiis lala
geli karin waqti un Kenya Ciidamadeeda wey kala baxeysa
Somalia, waa markii Somaaliya ay xasilooni hesho ,marka
ay sameystaan Dowlad awooda inay ilaaliso dhulkeeda
iyo dadkeeda” ayuu intaa ku daray madaxweynaha Kenya.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iney Al-shabaab ay bilaabeen
iney gudaha Kenya weeraro ka geystaan sanado ka hor
inta aysan ciidanka Kenya gelin gudaha Somalia taasina
ay daliil u tahay in Al-shabaab aysan kala jecleyn in
ciidamada Kenya ay sii joogaan Somalia iyo iney ka baxaan.
Kenya ayaa bishii Oktobar ee sanadkii 2011 kumanaan
askari soo galisay Somaaliya iyagoo ka jawaabayay weeraro
ay Shabaab dalkaasi ka geysteen waxaana markii dambe
ay ku biireen howlgalka AMISOM.