Siraaji "Reer Minnesota
uma aysan kala harin soo dhoweynta Madaxweynaha"
Siraaji Xassan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee Gobolka Minnesota, ahna arday wax ka barta Jaamacadda
(University of Minnesota) Qaybta Caafimaadka ee magaaladda
Minneapolis, ayaa ku nuuxuuxsaday in Jaaliyadda Soomaalida
ee Minnesota ay si farxad & reyn-reyn leh ku soo
dhoweeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan
Shiikh Max'uud, marka laga tago 4 qofood oo ka soo jeeda
beesha Majeerteen, oo isir naceyb dartii ugu hor-bannaanbaxay
hotelkii uu daganaa Madaxweynaha.
"4 qofood oo hal qabiil ah (Majeerteen), oo ay
qabyaaladi dilootay ayaa baroor la tegay hotelkii uu
daganaa Madaxweynaha" Ayuu yiri Siraaji, wuxuuna
intaa raaciyey in uu ictiqaadsan yahay in Madaxweynuhu
qalad geli karo, lana eedeyn karo; ayna tahay in eedeyntiisa
loo wajaho Soomaalinimo, balse uu u arkayo xadgudub
iyo wax laga yaqyaqsoodo in qabiil gaar ah oo sedbursi
doonaya in ay Madaxweynaha ku mudaaharaadaan.
Siraaji wuxuu sheegay in kuwa bannaanbaxa sameeyey
ay ahaayeen dad la isticmaalay oo qaab qabyaaladeed
lagu soo uruuriyey, oo kuwii boorarka soo sameeyey xittaa
la arkayey iyaga oo kaamirada iska qarinaya.
"Kuwii boorarka u qeybiyey 4 qofood oo bannaabaxayey
kaamirada waa iska qariyeen, waxaa la adeegsaday dad
u badan dadkii reer miyiga ahaa ee Mareykanka la keenay;
iyaga oo aan wax qorin, waxna akhrin, wixii loo sheegana
si (automatic) ah u qaadanaya" Ayuu yiri Siraaj.