Qaraxyo
khasaare geystay oo ka dhacay Kismaayo
Labo qarax oo waaweyn ayaa xalay ka dhacay magaalada
Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kuwaasoo lagu weeraray
ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.
Qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyin la dhigay meelo
kala duwan oo laga hagayey qalabka Remote Controlka
ayaa waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan iney ku dhaawacmeen
sadex askari oo ka tirsan maamulka Jubba.
Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ku dhowaa
ciidamada maamulka Jubba oo ku howlanaa howlgalo ay
ka wadeen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo si ay amaanka
u sugaan.
Maamulka Jubba illaa hadda kama hadlin qaraxyadan hase
ahaatee Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkan ku soo badanayey
qaraxyada iyo weerarada kale ee ka dhaca xiliyada habeenkii.
Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata weerarada ka dhaca
magaalada Kismaayo, iyadoo saraakiisha maamulka Jubba
ay iyana had iyo jeer ku celceliyaan iney dedaal ugu
jiraan sugida amaanka magaaladaas.