Dagaal
xalay galbeedka degmada Buulo burde ku dhexmaray ciidamada
AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab
Dagaalo aad u culus oo socday muddo saacado ah ayaa
xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buulo Burde
ee gobolka Hiiraan kuwaasoo dhexmaray ciidamada Jabuuti
ee ka tirsan AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay markii
xoogaga Al-shabaab ay dhowr jiho weerar kaga soo qaadeen
saldhig ciidamada AMISOM ka sameysteen galbeedka degmadaas.
Shacabka degmada Buulo-Burde ku dhaqan ayaa sheegaya
iney maqlayeen daryanka rasaas kala nooc iyo hub culus
oo mararka qaarkood ku soo dhacayey bartamaha degmadaas
iyagoo xusay iney cabsi badan dareemeen.
Waxaa la soo sheegayaa in dagaalkan uu sababay khasaare
badan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyadoo
saaka meydad badan hase ahaatee tirakoob sax ah aan
laga heynin lagu arkay nawaaxiga goobihii lagu dagaalamay.
Ma jiraan warar ay dagaalkaas ka soo saareen xoogaga
Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM, hase ahaatee waxaa
lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu cuslaa ee degmadaas
ka dhaca tan iyo markii dhowr bilood ka hor lagala wareegay
Al-shabaab.