Shil dhimasho
sababay oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Jowhar
ee gobolka Shabeelaha dhexe
Labo ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari
oo xalay ka dhacay meel ku dhow degaanka Congo oo qiyaastii
5-km koonfur kaga toosan magaalada Jowhar ee gobolka
Sh/dhexe.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari homey ah uu jiiray
mooto bajaaj ah (Sadex lugooley) ka timid degaanka Gololey,
kuna sii jeeday magaalada Jowhar.
Dadka geeriyooday ayaa la socday mootada waxayna kala
ahaayeen darawal iyo qof uu rakaab ahaan u siday, waxaana
gaariga Homeyga ah iyo darawalkiiba xabsiga magaalada
Jowhar dhigay ciidamada dowlada.
Xiliga habeen ah iyo dabeylo boor fara badan kicinayey
ayaa la sheegayaa iney ahaayeen sababaha ugu waaweyn
ee keenay shilkaas, iyadoo labadii ruux ee geeriyooday
lagu aasay degaanka Congo.