Generaal
Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo maanta Warbaahinta
u sheegay inuu bilaaban doono dhawaan dagaal Al-Shabaab
ka dhan ah
Taliyaha ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya
Generaal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo maanta
Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu bilaaban doono
dhawaan dagaalada Dowladda ay kala soo horjeedo Ururka
Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay Taliyaha in sida ugu dhaqsiyaha badan
dagaaladaasi ay u bilaaban doonaan, isaga oo intaasi
ku daray hadalkiisa in muddo dhaw oo 2-bil gudahooda
ah Shabaab dalka looga saarayo.
Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay
in la saxay qaladaad badan oo dhacay, markii lagu guda
jiray howlgalka xureynta Gobalada dalka Soomaaliya.
Wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ciidamada Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo kuwa Amisom iminka ay diyaar uyihiin
inay dalka oo dhan ka saaraan ciidamada Shabaab ee dadka
dhibaatada ku haayo sida uu yiri taliyaha.
Mar uu soo hadal qaaday taliyaha direeska ciidamada
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Al- Shabaab weeraro
ay ku fuliyaan ayuu sheegay in tuutaha ay ka ganacsadaan
dad Soomaali ah, balse dhawaan tallaabo laga qaadi doono
dadka caynkaasi ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
isaga oo Mareykanka ku sugan, wuxuu sheegay inuu bilaaban
doono howlgalka guud ahaan dalka Soomaaliya looga saarayo
Shabaabka hubaysan.