Gabar
Wariye aheyd oo Xalay lagu xiray Xabsiga Xarunta Puntland
ee Garoowe..............
Ciidanka Amaanka Garoowe ayaa Xalay kala baxay Hoteelka
Shaariqa ee ku yaala Gudaha Magaalada garoowe ee Xarunta
Maamul Goboleedka Puntland Gabar Wariye aheyd oo lagu
magacaabo Faadumo Yuusuf Taxadar kana howlgasha Warbaahinta
Deegaanada Puntland.
Ciidanka ayaa gabadhaan wariyaha ah dhigay Xabsiga Magaalada
Garoowe waxaana la sheegayaa in xarigeedu la xiriiro
wareysi ay siisay Idaacada VOA kuna saabsanaa Xiridii
maalmo ka hor la xiray TV Puntland,waxaana saxaafiyada
ay howlo shaqo u joogtay Garoowe iyadoo ka mid aheyd
Saxuufiyiintii dooraneysay Hogaanka Cusub ee Ururka
Suxuufiyiinta Puntland ee dhawaan lagu doortay Magaalada
Garoowe
Xariga Gabdhaan wariyaha ah Faadumo Taxadar waxaa cambaareeyay
Ururka Saxuufiyiinta Puntland waxaana ay ka howlgaleysay
Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Inta badan saxuufiyiinta ka howlgala Gudah wadanka
ayaa la kulma tacadiyo kala duwan oo ay markaasi la
beegsnayaan Maamulada ka jira Gudaha Wadanka