Safiirka
Somaliya ee Dalka Kenya oo shegay in ay Kenya u Gudbiyeen
sidii loogu soo Gacangalin lahaa Xasan Xanafi xaaji
oo lagu tuhmayo dilal badan
Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa bidhaamiyay
in Dowladda Somaliya ay Kenya u bandhigtay, in ay ku
soo wareejiso ninka la rumeysan yahay in Xasan Xanafi
yahay.
Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa xusay in qabashada
ninkaan ay ka dambeysay, markii ay xoggo isweydaarsadeen
Sirdoonada Somaliya iyo Kenya, iminkana ay baaritaano
ku soconayaan.
Waxa uu intaa ku daray in Kenya aynaan weli ka soo
jawaabin codsiga ay u gudbiyeen, ha yeeshee ay maalmaha
soo aadan ka dhursugayaan in ay u soo gacangeliso.
Amb. Americo oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC,
ayaa rajo ka muujinaaya in ninkaan loo soo duulin doono
Magaalada Muqdisho, si loogu kala cadeeyo wax kastaa
oo uu yahayba.
Ninkaan, ayaa waaxda la dagaalanka argagaxisada ee
Kenya u sheegay inaanu ahayn Xasan Xanafi, iyadoo uu
ku andacooday in nin kale uu yahay, markii uu u sheegtay
magac kale.
Ninka u xiran laamaha ammaanka ee Kenya, ayaa marar
badan magacyo aanu lahayn ku soo galay dalka Kenya,
waxayna taasi hoos u dhigeysaa in laamaha ammaanka ee
Kenya ku kalsoodaan in aanu Xasan Xanafi ahayn.
Xasan Xanafi waxaa loo heystaa dilalka in ka badan
20 Suxufi oo loogu geystay Magaalada Muqdisho, iyadoo
ay jiraan Suxufiyiin fara badan oo uu soo basaasay.