Jen.
Indhacadde oo sheegay in Xildhibaanada baarlamanka ay
qeyb ka yihiin amni darada ka jirta dalka
Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)
ayaa ku eedeeyey xildhibaanada Baarlamanka federaalka
Somalia iney qeyb ka yihiin amaan darada ka jirta dalka
gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Indhacadde ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamanka
aysan dooneynin in Al-shabaab laga ciribtiro dalka,
taas bedelkeedna ay rabaan iney iska sii socdaan dilalka
iyo qaraxyada ay geysaneyso kooxdaas.
“Sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay waxaa muddo
ka hor loo geeyey sharcigii lagula dagaalami lahaa nimankan
argagaxisada ah si ay u ansixiyaan hase ahaatee illaa
howshaas ma aysan qaban, weyna hor taagan yihiin” ayuu
intaa ku daray Indhacadde.
Waxaa uu xusay in madaxweynaha, xukuumada iyo laamaha
amaanka aysan eed ku laheyn amaan darada jirta maadaama
xildhibaanadu diidan yihiin iney meel mariyaan sharciga
la dagaalanka argagaxisada ee lagula dagaalami lahaa
kooxaha amaan darada ka shaqeynaya.
Xildhibaanada baarlamanka ayaa sanadkii
hore loo gudbiyey sharciga la dagaalanka argagaxisada
oo ay soo diyaarisay xukuumadii RW Saacid.
Dhinaca kale, waxaa uu soo dhoweeyey howlaha ay wado
maxkamada ciidamada qalabka sida oo dhowaan xukuno toogasho
ah ku riday kuna fulisay rag badan oo lagu helay iney
ka tirsan yihiin Al-shabaab kuwaasoo geystay dilal iyo
qaraxyo.