RW Cabdiweli
oo cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu
dilay Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Bari
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa
si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa
ee shalay galab ka dhacay degmada Boosaaso ee gobolka
Bari, kaasoo ay ku dhinteen Taliyahii Qaybta Booliska
gobolka Bari ee Maamulka Puntland iyo Taliyihi ilaalada
canshuuraadka beriga ee gobolka Bari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy
Madaxda iyo Shacabka Puntland, Wuxuuna ku dhiirgeliyay
laamaha Amniga Puntland inay sii xoojiyaan dadaalka
ay ku sugayaan amniga deeganadooda.
“Innaa Lillaahi wa inaan ileyhi raajicuun, geeridu waa
xaq, noole walbana wuxuu marayaa dhimasho. Waxaana Eebbe
uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo Taliyahii
Qaybta Booliska gobolka Bari ee Maamulka Puntland C/raxmaan
Cali Cabaas Muslim iyo Masuuliyiintii kale ee ku geeryooday
qaraxii ismiidaaminta ahaa ee cadowgu ku bartilmaameed
sadeen xili waajibaadkooda shaqo gudanayeen” Ayuu yiri
RW Cabdiwali ayaa dhanka kalana ku aamanay maamulka
Puntland sida ay deegaanadooda u nabadeeyeen, balse
cadowga umadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwo marba xeelad
cusub u isticmaalayaa dagaalka fulaynimada ah.
Ra’iisul Wasaaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu ay
si buuxda ula garab taagan tahay Maamulka Puntland dadaallada
ay ku adkeynayaan ammaanka deegaannada ay ka taliyaan,
si meesha looga saaro haraadiga cadowga Ummada Soomaaliyeed
ee Al-shabaab.
“Maamulka Puntland wuxuu si adag uga shaqaynayaa arrimaha
amnigiisa, si ay u helaan nabad iyo mustaqbal wanaagsan,
ayaa taas badalkeeda ku howlan yihiin nabad diidku sidii
ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo
ugu gaysanayaaan madaxda iyo shacabka, weerarkii lagu
dilay Taliye C/rixmaan wuxuu calaamad u yahay dhibaatada
ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku hayaan kooxaha
dhagar-qabayaasha ah”.ayuu yiri RW Cabdiwali
Ugu dambeyn. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas
mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin diinta Islaamka
isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.