Dowladda
Somalia oo mar kale digniin ka soo saartay abaaro iyo
biyo la’aan ka jirta gobolada dalka qaarkood
BAAQ KU WAAJAHAN XAALADAHA ABAARAHA DALKA
1. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliyeed
waxaa uu shir aan caadi ahayn Guddiga Gurmadka Degdegga
kaga dhageystay warbixintii ugu dambeeysay ee ku saabsanayd
xaaladda abaaraha iyo cunto-yarida dalka ka taagan.
1. Goluhu waxaa uu ku dhawaaqayaa in gobollada hadda
ugu daran xagga saameynta abaaraha ay yihiin Gedo, Bakool,
Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, xaaladaha bani’aadamnimana
ay ku sii kordheeyso maalinba maalinta ka dambeeysa.
Baahida dadka tabaaleysan waxay isugu jirtaa biyo, cunto
iyo gargaar caafimaad.
2. Xukuumadda oo u qoondeeysay lacag dhan 500,000 doollar,
waxa ay toddobaadka soosocda ka bilaabeysaa biyo-dhaamin
gobollada harraadka uu ka taagan yahay. Waxaa kaloo
xukuumadda u qorshysan in sida ugu dhakhsiyaha badan
gaargaar cunto lala gaaro dhammaan gobollada cunt-yarida
ay ka jirto.
3. Xaaladda amnidarro ee ka dhashay jidgooyada argagixisada
ay ku hayso gobollada abaarta iyo cunt-yarida ka jiraan
waxa ay carqalad ku tahay qorshaha hawlgalka gurmadka.
Waxaa kaloo Xukuumadda u muuqatay in AMISOM ayan weli
jawaab ka bixin codsiyo fududayn gaarsiin cuto deg-deg
ah oo loogu talagalay dadka ku nool gobollada tabaaleeysan.
4. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu diyaar u
yahay in uu u adeego dadwenihiisa, hase yeeshee ma haysto
qalab ku filan oo uu keli ahaan uga soo baxo waajibaadka
gelbinta gawaarida raashiinka gurmadka wadda.
5. Xukuumadda waxa ay u mahadcelineysaa dowladaha iyo
hay’adaha durba ku dhaqaaqay gurmad degdeg ah iyagoo
ka jawaabay baaqii ay hore u soo jeedisay Xukuumadda;
arrintaasina waa mid dhiirrigelin leh.
6. Xukuumadda waxa ay AMISOM iyo deeq-bixiyeyaasha ugu
baaqaysaa in ay gacan ku siyaan Xukuumadda xil-gudashadeeda
si dalka looga badbaadiyo khatartii abaarihii 2011 oo
kale. Waxaa loo baahan yahay in hadda si xoog leh loogu
jeesto hawlaha gargaarka inta arrinta ayan gaarin heer
aad u ba’an oo macaluul iyo dhimasho ay dhacdo.