Askari
maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyo ciidanka dowlada
oo toogtay ninkii ka dambeeyey
Nin hubeysan ayaa maanta askari ka tirsan
ciidanka dowlada ku toogtay agagaarka xarunta wasaarada
gaashaabdhiga ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ninka askariga dilay
uu markii dambe ku baxsaday mooto uu la socday markii
uu dilkaas fulinayey.
Hase ahaatee ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa
meel aan ka fogeyn goobta askarigaas lagu toogtay ayaa
gaari dagaal ku eryaday ninkaas iyagoo ugu dambeyn ka
daba tegay wadada dhexdeedana ku dilay.
Meydka ninkaas iyo mootadii uu ku baxsan rabay ayaa
muddo saacado ah yiilay goobta lagu dilay, waxaana markii
dambe ka qaaday goobta dad halkaas ku dhowaa.
Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay suuqa
Bakaaraha ku dileen nin hubeysan oo dilay askari xili
uu isku dayeyey inuu halkaas ka baxsado.