RW C/weli
“Heshiiskii maamul sameynta gobolada dhexe saameyn ku
yeelan maayo degaanada Puntland”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay
kulan uu soo abaabulay Machadka Cilmi Baarista (The
Heritage), isagoo ka jawaabayey su’aalihii ay weydiinayeen
ka soo qeybgalayaashii kulanka iyo weliba Qurbo-joogta
Soomaaliyeed oo si toos ah internetka ugala socday barnaamijka.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Bulshada Rayidka,
Aqoonyahano, Oday dhaqameedyo, Haween iyo Siyaasiyiin
horay xilal uga soo qabtay dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladda
amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo
kale waxuu ka hadlay waxqabadka Xukuumadda dhanka amniga,
isku-xirka maamullada dalka iyo Dowladda Federaalka
ah, maamul wanaaga, iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.
Ra’iiul Wasaaraha ayaa la weydiiyey qaabka loo hirgalin
karo nidaamka federaalka iyo heshiiskii u dambeeyey
ee maamulka loogu dhisayo gobolada dhexe iyo walaaca
ay Puntland ka qabto heshiiskaas.
“Sida aad ogtihiin gobollada dhexe waxaa ka jiray maamullo
yar-yar oo aysan ka dhaxayn wada shaqayn, waxaana xukuumaddu
samaysay guddi golaha wasiirrada ka tirsan oo wada xaajood
la fura dhinacyadaas si loo mideeyo maamullada gobollada
dhexe ka jira, waxaana rajo fiican ka qabnaa in dadka
deegaanadaas dagan loo sameeyo maamul ay ku midaysan
yihiin. Heshiiskii maamul u samaynta gobollada dhexe
ee Soomaaliya maahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland
oo walaac ka muujiyey heshiiskaas, waxaana si cad u
qeexay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in heshiisku uu san wax
u dhimayn deegaanada Puntland ay maamusho" ayuu
yiri RW Cabdiwali
Ra’iiusl Wasaaraha oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd
arrimaha nabad galyada ayaa si qoto dheer uga hadlay
talaabooyinka xukuumadu ku taalabsatay.
“Guulo waaweyn oo wax ku ool ah ayaa laga soo hooyey
nabad galyada, waxaa gacanta lagu soo dhigay dhagar
qabayaal ka tirsan kooxaha nabad diidka ah, oo qaarkood
sharciga la horkeenay, lana marsiiyey wixii ay mudnaayeen,
Waxaa sidoo kale laga hortagay qaraxyo iyo kooxo isku
xiran oo doonayey in amniga khal-khal galiyaan, waxaa
habeen ka hor gacanta lagu soo dhigay hub aad u faro
badan oo isugu jira noocyo kala duwan oo halis ku ahaa
amniga dalka. Waxaa ciidanka qaybihiisa kala duwan ku
shaqeeyaan duruuffo adag, taas oo runtii aysan jirin
ciidan ku shaqeeya caalamka, dadka Soomaaliyeed waxaa
looga fadhiyaa in ay taageero dhaqaale iyo mid niyadeed
u fidiyaan ciidanka qaranka, kuna amaanaan howlaha adag
oo ay wajahayaan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xasuusiyey
dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay taageero
dhan kasta ah ugu fidin lahaayeen Ciidamada u taagan
ilaalinta shacabka iyo sharafta qaranka”
Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawabaayey su’aal ku saabsan
musuq-maasuqa ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku howlantahay
dhisidda hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa.
“Shaki kuma jiro inuu jiro musuq-maasuq, kaas oo layska
dhaxlay mudooyinkii lagu jiray KMG, hadana uu wali sii
socda, waxaase mudan in lagu ammaano Xukuumadda tallaaboyinka
wanaagsan oo dib-u-habaynta loogu samaynayo nidaamka
maaliyaydeed ee dowaldda, kaas oo runtii si wanaagsan
u shaqeeya. Waxaa xukuumaddu magacowday Xisaabiyaha
guud iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, wuxuuna wadaa
qorshayaal uu kula xisaabtamayo hay’adaha dowladda,
waxaa goluhu siiyeen madax banaani buuxdo oo ku baari
karo cid kasta. Waxaan ka soo qayb galayaasha kulankaan
ka codsanayaa in ay gacan ka siiyaan xukuumadda sidii
loo dhisi lahaa Hay’adda la dagaallanka Musuq-maasuqa
oo dhawaan la hirgelin doono, cid walba oo aqoon u leh
dabagalka musuq-maasuqa iyo dowladd wanaaga waan ku
soo dhaweynayaa in ay gacan ka geysataan dhisidda Hay’addan
cusub” ayuu yiri RW Cabdiwali.
Mar uu ka jawaabayey su’aal la xariirta maamul-u-samaynta
gobollada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu si qoto dheer uga
hadlay in xukuumaddu aysan dadka dusha uga keenayn maamul
u samynta gobollada balse dowladda doorkeedu yahay in
ay u fududayso.
“Siyaasada Xukuumadda ka mid mahaan in ay samayso maamulo
uu san shacabku raali ka ahayn. Diyaarinta iyo shirarka
lagu yagleelay maamulka koonfur galbeed waa mid ka horeeyey
xukuumadaan, waxaana in mudo ah ka taagnaa is qab qabsi
qaabka loo dhisayo maamulka koonfur galbeed. Waxayna
xukuumaddu ka dhex samaysay dhinacyadii kala sheeganayey
labada maamul dib u heshiisiin loo dhan yahay oo horseed
u noqonaysa in la dhiso hal maamul oo ka kooban sadex
gobol, waxaana ku amaanayaa dhinacyadii heshiiska gaaray
sida ay dhab uga tahay hirgalinta heshiiskooda, iyagoona
si wada jir ah ugu safraya magaalada Baydhabo si ay
u dhamaystiran qaybaha ugu muhiimsan heshiiska” ayuu
yiri RW Cabdiwali.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey
ka soo qeybgalayaashii kulanka, waxaana uu tilmaamay
in la sii joogteeyo doodaha noocan oo kale ah oo madaxda
iyo shacabku isku wareysanayaan, waxuuna sheegay inay
dhammaan tallooyinkii loo soo jeediyey xukuumadda ay
ahaayeen kuwo muhiim u ah qaranka soomaaliyeed. Ra’iisul
Wasaaraha ayaa sheegay in kulamadaan oo kale oo Xukuumadda
iyo shacabka isla xisaabtamayaan la joogteyn doono