Macalin Louis Van Gaal oo ku qarxiyay Weeraryahan Robin Van Persie & Warar kale (World Sport News ) !!

*** Kooxda Los Blancos Real Madrid ee horyaalka La Liga ayaa si toos ah ula soo wareegtay goolhayihii Qaranka Costa Rica hogaaminayay World Cup 2014 waa Keylor Antonio Navas. Boortahaan oo 27 jir ah waxaa laga soo iibsaday naadiga Levante ee isla horyaalka La Liga waxaana laga soo baxshay Aduun lagu sheegay 10 Milyan oo Euro.


Goolhaye Keylor Navas waxaa sidoo kale toosh buuran ku raadineysay kooxda Fc Bayern München ee horyaalka Bundesliga. Marka laga soo tago goolhayahaan waa xiddigii sadexaad oo Koobka Aduunka 2014 wacdaro ka soo dhiga waliba ay la soo wareegto kooxda Real Madrid waxaana naadigaan uga soo horeeyay laacibiinta kala ah Toni Kroos (Germany) iyo James Rodriguez (Colombia) .

*** Macalinka cusub ee kooxda the Red Devils Manchester United Mr.Louis Van Gaal ayaa si cad wuxuu u shaaciyay inuusan safan doonin weeraryahan Robin Van Persie kulanka ugu horeeya ee horyaalka Ingiriiska oo lagu wado 16-ka bishaan Agoosto inay kooxda Man Utd la ciyaarto naadiga Swansea City.

Sidoo kale Tababare Louis Van Gaal ayaa carabka ku dhuftay in weeraryahan Robin Van Persie aan la safi doonin kulanka saaxiibtinimo ee garoonka Old Trafford ku dhex maraya kooxaha Manchester United Vs Valencia taariikhdu marka ay tahay 12-ka bishaan Agoosto.

Weeraryahan Robin Van Persie ayaa mudo 3 isbuuc ah waxa uu fasax kaga maqnaa naadiga Manchester United oo kulamo saaxiibtino iyo koob kaga qeeyb galay garoomo ku yaala gudaha dalka Mareeykanka. Tababare Louis Van Gaal ayaa yiri sidatan :

" Waan ogahay Robin Van Persie wuxuu jecel yahay inuu safto kulan kaste balse sidaas oo kale waxaa jecel 30 ka mid ah Xiddigaha Manchester United waana inuu aalamiiteeyaa marka hore Robin Van Persie ayuu yiri macalin Louis Van Gaal "

*** Xiddiga Qaranka Ingiriiska Frank James Lampard ayaa si amaah ahaan ah wuxuu ugu yimid kooxda Manchester City kaas oo ka yimid dhanka naadiga New York City FC sida uu shaaciyay macalinka Man City Mr.Manuel Pellegrini. Laacib Frank James Lampard oo mudo 13 sano ah ka tirsanaa kooxda The Blues Fc Chelsea wuxuu dhawaan ku biiray naadiga New York City FC ee horyaalka dalka Mareeykanka balse wuxuu inta sanadkaan ka harsan amaah ahaan ugu dheeli doonaa kooxda Manchester City oo lagu wado inuu soo gaaro maalinta Arbacada ah .


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: Dayniilecom@hotmail.com

 

DecorCollection歐洲傢俬| 傢俬/家俬/家私| 意大利傢俬/實木傢俬| 梳化| 意大利梳化/歐洲梳化| 餐桌/餐枱/餐檯| 餐椅| 電視櫃| 衣櫃| 床架| 茶几

橫額| 貼紙| 貼紙印刷| 宣傳單張| 海報| 攤位| foamboard| 喜帖| 信封 數碼印刷

QR code scanner| SME IT| system integration| inventory management system| label printing| Kiosk| Voice Picking| POS scanner| POS printer| System Integrator| printing labels| warehouse management| thermal printer| mobile solutions| mdm solutions| mobile device management

邮件营销| Email Marketing| 電郵推廣| edm营销| 邮件群发软件| edm| 营销软件| Mailchimp| Hubspot| Sendinblue| ActiveCampaign| SMS

Tomtop| Online shop| Online Einkaufen

地產代理/物業投資| 租辦公室/租寫字樓| 地產新聞| 甲級寫字樓/頂手| Grade A Office| Commercial Building / Office building| Hong Kong Office Rental| Rent Office| Office for lease / office leasing| Office for sale| Office relocation

香港甲級寫字樓出租

中環中心| 合和中心| 新文華中心| 力寶中心| 禮頓中心| Jardine House| Admiralty Centre| 港威大廈| One Island East| 創紀之城| 太子大廈| 怡和大廈| 康宏廣場| 萬宜大廈| 胡忠大廈| 信德中心| 北京道1號| One Kowloon| The Center| World Wide House

| 國際小學| 英國學校| International schools hong kong| 香港國際學校| Wycombe Abbey| 香港威雅學校| school day| boarding school Hong Kong| 香港威雅國際學校| Wycombe Abbey School

Addmotor Electric Bike| Electric bike shop / electric bicycle shop| Electric bike review| Electric trike| Fat tire electric bike| Best electric bike| Electric bicycle| E bike| Electric bikes for sale| Folding electric bike| Electric mountain bike| Electric tricycle| Mid drive electric bike Juiced Bikes Pedego Rad-Power