Gaari
waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo xalay ku qarxay
garaash ku yaala agagaarka Isgoyska Dabka
Xalay saacadu markii ay aheyd 11:30 daqiiqo
saq dhexe ee habeenimo ayaa qarax aad u xoogan waxaa
uu ka dhacay agagaarka isgoyska Dabka wadada Maka Al-Mukarama
ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayey wararku sheegayaan inuu ka dhacay garaash
ku yaala nawaaxiga isgoyska Dabka ka dib markii qarxay
gaariga mineysan oo ka mid ahaa gaadiid ku jiray garaashkaasi.
Gaariga qarxay ayaa halkaas ku basbeelay, iyadoo qaraxaas
ay waxyeelo ka soo gaartay gaadiid kale oo ku jiray
garaashka, lamana sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay
gaarigaas qarxay.
Wararka qaar ayaa sheegayan in gaarigan miineysan markii
hore lagu wargeliyey ciidamada dowlada, hase ahaatee
uu qarxay wax yar ka hor inta aysan halkaas gaarin ciidamada.
Goob joogayaal aya sheegay in ciidamada dowlada ay agagaarka
garaashkaas ka qabqabteen dhowr qof oo lagu tuhunsan
yahay iney qaraxaas wax ka ogaayeen.