Madaxweyne
Obama oo maanta la kulmaya hogaamiyeyaal Afrikaan ah
oo uu ku jiro madaxweyne Xasan Shiikh
Dalka Mareykanka ayaa waxaa maanta ka furmaya shir
ay isugu imanayaan Hogaamiyeasha 50 dal oo afrikaan
iyo Madaxweynaha dalkaas Brack Obama
Madaxweyneyaasha Afrika ayaa ku sii qul-qulayaa dalka
Mareykanka, waxaana xubnahaasi ka mid ah Hogaamiyaha
dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka
dhoofay Muqdisho.
Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Du’ale
Bayle ayaa sheegay inay isku diyaariyeen ka qeybgalka
shirka madaxda Afrikaanka iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka.
Wuxuu sheegay in Shirkaan Ahmiyad gaar ah uu u leeyahay
dhanka Soomaaliya, maadaama ay jiraan baahiyo kala duwan
oo ka jira gudaha dalka ayna u baahan yihiin in Mareykanka
ay kala hadlaan.
Bayle ayaa sheegay in kulamo gaar-gaar ah ay yeelan
doonaan Hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Soomaaliya,
waxa ayna kawada hadli doonaan arimaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsi buuxa ka
heshay dhowaan dowlada Maraykanka, Safiirka cusub ee
Soomaaliya uu warqadaha aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha
Mareykanka.
Shirweynahan ayaa looga hadli doonaa sidii wax looga
qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira Afrika gaar ahaana
looga ciribtiri lahaa kooxaha xiriirka la leh ururka
Al-Qaacida sida Al-shabaab iyo Boko haram oo ka dagaalama
Somalia iyo Nigeria, iyadoo Maraykanku uu kaalmo dhaqaale
oo la siinayo afrika kaga dhowaaqi doono kulankaas