Guddoomiye
ku-xigeenka maamulka degmada Afgooye oo ka hadlay dhaawac
ka soo gaaray bam lagu weeraray
Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) oo
ah gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada maamulka
degmada Afgooye ayaa ku dhaawacmay qarax shalay casar
gaabkii ka dhacay goob uu ku sugnaa oo ku taala gudaha
degmadaas ka dib markii kooxo hubeysan ay bam ku tuureen.
Cumar Carabey oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in
dhaawaciisa uu aad u fudud yahay aysana jirin waxyeelo
weyn oo qaraxaas ka soo gaartay.
“Waa fiicanahay wax dhibaato ah ma qabo, dhowr firir
oo yar yar ayaa meelo ka mid ah jirka dhaawacyo fudud
oo xagtin ah gaarsiiyey, howsheyda ayaana wataa hadda
waa na socdaa Ilaahay Mahadiis” ayuu intaa ku daray
Cumar Carabey.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Afgooye ayaa
sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, ayna
doonayeen iney isaga ku qaarajiyaan balse uu ka badbaaday,
wuxuuna xusay in labo qof oo kale ay dhaawacyo fudud
soo gaareen.
“Falalka noocan ah ee nabadiidku ku kacayaan nama cabsi
gelineyso, howlaha aan bulshada u haynana waa sii wadaynaa,
cadowgana guul daro ayuu ku dambeyn doonaa” ayuu intaa
ku daray Cumar Carabey.