Ra’iisul
Wasaaraha oo kulan sagootin ah la yeeshay Guddiga maamul-u
sameynta maamulka Koonfur Galbeed
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo
qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa kulan
sagootin ah la yeeshay Guddiga Maamul-u-Samaynta Koonfur
Galbeed. Guddigu wuxuu u gogol xaaraya dhismaha Maamulka
Koonfur Galbeed, oo ay dhismihiisa dhinacyadu ku kala
saxiixdeen xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay Xukuumaddu
hormuud ka ahayd kana dhacday magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay Mudane Maxamed Xaaji
Cabdinuur Mad-deer, oo kamid ah saxiixayaashii heshiiska
Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna uga mahad celiyay
Ra’iisul Wasaaraha marti qaadka uu u fidiyay ergooyinkii
ka socday dhinacyadii isku hayay maamullada Koonfur
Galbeed Saddex iyo Lix, kuwaasoo ugu dambeyn heshiis
taariikhi ah kala saxiixday.
“Mudane Ra’iisul Wasaare, runtii waxaan kugu ammaanayaa
dadaalkii dheeraa oo aad u gashay dadka deggan Koonfur
Galbeed, waxaanan kaaga haynaa abaal weyn. Dhowr bilood
ka hor markii aan Muqdisho soo gaarnay waxaan ahayn
dhowr garab oo kala socdo, haddana oo aan dib ugu laabanayno
deeganadeennii waad aragtaa isku duubnida naga muuqata.
Taasi waxay marqaati u tahay dadaalkaagii inuu miro
dhal noqday. Waxaan ka codsanayaa Xukuumadda inay sii
waddo taageerada iyo dhamaystirka Maamulka Koonfur Galbeed,”
ayuu yiri Mudane Mad-deer.
Dhiniciisa, Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Khalid
Cumar Cali, oo ka mid ah xubnaha Guddiga ugu jira Xukuumadda,
ayaa ku gubaabiyay dhinacyada in markii ay deeganadooda
ku noqdaan ay la yimaadaan dul-qaad iyo adkaysi, isagoo
xasuusiyay in looga fadhiyo inay gogol nabadeed ku qanciyaan
dadka wax tabanaya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo gunaanadkii kulanka
ka hadlay, ayaa mahadcelin kaddib kula dar-daarmay Guddiga
inuu miro dhal noqdo heshiiskii taariikhiga ahaa ee
dhinacyadu ku gaareen Muqdisho.
Wuxuu yiri Ra'iisul Wasaare Cabdiweli:
“Waxaan soo xirnay shirarkii muddo ka socday Muqdisho
oo looga hadlayay arrimaha Koonfur Galbeed. Maalintii
ugu horreysay oo aan Muqdisho isugu nimid waxaa idin
dhex yiil kalsooni xumo, waxaadna u kala fadhideen koox-koox,
maantana waxaa Ilaahay mahaddiis ah inaad is dhex fadhidaan,
heshiis wada gaarteen, diyaarna u tihiin inaad shacabkiina
u wada adeegtaan.
"Waxaad wada aadi doontaan Baydhabo si aad uga
shaqeeysaan hawlaha ka dhiman dib-u-heshiisinta iyo
dhamaystirka Maamulka Koonfur Galbeed. Horumarka ay
gaaraan shacabka Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose waxaa
furo u ah in laysu muujiyo kalsooni lagana dhabeeyo
heshiiska la gaaray.
"Xukuumaddu waxay u taagan tahay inay idinka taageerto
wax walba oo fududeeynaya hannaanka maamul-sameeynta.
Waxaan idinkula dardaarmayaa in farxadda hadda idinka
muuqata aad kula noqotaan shacabka, kana shaqaysaan
soo celinta nabadda iyo isdhexgalka bulshada si meesha
looga saaro isfaham waagii ragaadiyey horumarka gobolladaas."
Dhanka kale, wuxuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli aad uga
mahad celiyey xubnaha Guddiga ugu jira Xukuumadda dadaalka
dheer ee ay u galeen in xal laga gaaro khilaafaadkii
muddada ka jiray gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.