Raisul
wasaaraha Somalia oo ka hadlay hub fara badan oo xalay
ciidamada dowladu ka qabteen Muqdisho
Raisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli
Sheekh Axmed ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada amniga
howlgal ay ku soo qabteen xalay hub faraha badan oo
ka dhacay xaafada Buulo Xuubey oo ka tirsan degmada
Wadajir ee G/Banaadir.
Dr. C/weli Sheekh Axmed ayaa xusay in howlgalkani uu
sii socon doono tan iyo inta laga xaqiijinayo nabadgelyada
dalka.
“Waxaan ku bogaadinayaa ciidamada amniga oo dadaalkoodu
keenay in dhabarka laga jebiyo cadowga, hubka intaa
la egna laga soo qabto, aad iyo aad baan ugu hambalyeeyneynaa
wasiirka wasaaradda amniga, ciidamada amniga iyo taliyayaashoodaba,
howshanu waa howl dhaxalgala ah waxaan rajeynayaa inay
sii socoto ilaa la gaaro in magaalada Muqdisho iyo dalka
intiisa kale ummadda Soomaaliyeed ay si cabsi la’aan
ah ugu noolaadaan.”ayuu yiri Dr. C/weli Sheekh Axmed
oo ka hadlayey munaasabad lagu soo bandhigay hubkaas
oo lagu qabtay Muqdisho.
Wasiirka amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay
in hey’adaha sirdoonku soo gudbiyeen xogta hubkan isla
markaana ay ciidamadu xalay ku guuleysteen iney gacanta
ku soo dhigan hubkaan.
“Hubkani waa hubkii lagu gumaadi jiray shacabka Soomaaliyeed
oo kooxaha nabad diidka ah ay adeegsan jireen isla markaana
dad wax magarad ah inta laga iibiyo u gudbin jiray argagixisada,
hubkani wuxuu ahaa mid hey’adaha sirdoonku ay ku daba
jireen isla markaana, iyadoo aan dhibaato ka dhicin
caawa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.” ayuu
yiri wasiirka amniga Qaranka.