Rag uu
ku jiro ninkii fududeeyey weerarkii madaxtooyada oo
saaka lagu toogtay Iskoolo Buluusiyo
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada
Somalia ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddex nin
oo la sheegay iney ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab
kuwaasoo dhowaan maxkamadu ay ku riday xukun dil ah.
Mid ka mid ah raggan la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi
jiray Xasan Muxudiin Xasan, waxaana uu ahaa ninkii fududeeyay
weerarkii bishii Ramadaan lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada,
isagoo qirtay inuu la shaqeynayey Al-Shabaab gaarigiisana
ku soo qaaday kooxdii weerarkaas fulisay wuxuuna ka
mid ah ninkan dadka madaxtooyada ka shaqeeya.
Labada nin ee kale ee saaka la toogtay oo lagu kala
magacaabi jiray Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan
Maxamed ayaa iyana waxaa lagu eedeeyey iney ka tirsanayeen
amniyaatka Al-shabaab, waxaana ay qirteen iney dileen
dad 20 qof ka badan oo isugu jiray askar, xildhibaan,
shaqaale dowladeed iyo dad kale.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan
Cali Yarrow oo saxaafada kula hadlay fagaaraha iskoolo
Buluusiyo oo saaka xukunkaas toogashada ah uu ka dhacay
ayaa sheegay in raggan saaka la dilay dhamaantood ay
maxkamada horteeda ka qirteen dembiyada lagu soo eedeeyey