Dagaal
maalintii 3aad ka socda degaano ku yaala duleedka magaalada
Kismaayo ee gobolka Juhbada hoose
Dagaalo Qaraar oo maalintii 3aad galay ayaa saaka aroornimadii
waxay dib uga qarxeen degaano ku yaala duleedka magaalada
Kismaayo.
Dagaaladan ayaa dhexmaraya ciidamada maamulka Jubba
oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka uu bilowday
markii xoogaga Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah
ku soo qaadeen degaanada Cabdalla-biroole iyo Buulo
Xaaji oo dagaalkii shalay looga qabsaday.
Saraakiil ka tirsan maamulka Jubba ayaa sheegay in
ciidamadooda ay dib uga soo baxeen degaanadii ay shalay
ka qabsadeen Al-shabaab.
Daryanka rasaasta iyo madaafiicda ayaa laga maqlayaa
degaanadaas iyadoo gurmadyo ciidan iyo saanad milateri
ay gaarayaan labada dhinac kuwaasoo ka kala imanaya
magaalada Kismaayo iyo degmada Jilib.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalada saaka hase
ahaatee ku dhowaad 50 qof oo labada dhinac u badan ayaa
ku naf waayey dagaaladii dhacay labadii maalmood ee
la soo dhaafay.
Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa labo maalin ka hor sheegay
iney bilaabeen howlgal milateri oo xoogaga Al-shabaab
looga saarayo degaanada ku dhow magaalada Kismaayo ee
gobolka J/hoose.