DEG DEG:
Haween ka tirsan kuwa nadaafada ka shaqeeya oo goor
dhow lagu qarxiyey degmada Hodan
Ugu yaraan shan ruux ah ayaa ku naf waayey qaar kalena
wey ku dhaawacmeen qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay
goob ay howlo nadaafadeed ka wadeen koox haween ah oo
ku taala agagaarka xarunta carwadii hore ee degmada
Hodan.
Wararku waxay sheegayaan in haweenkan saaka markii
ay tageen goobta ay nadaafada ka wadeen ayna bilaabeen
howlahooda qarax weyn uu halkaas ka dhacay kaasoo daryankiisa
laga maqlay meelo badan.
Illaa hadda lama hayo faahfaahin intaas dheer, balse
haweenkii dhaawaca ahaa ayaa loo daad gureeyey goobaha
caafimaadka, waxaana goobtaas gaaray ciidamada dowlada
iyo maamulka degmada Hodan.
La soco wixii soo kordha.