Madaxweynaha
oo kulan wadatashi ah maanta la qaatay dhallinyaro Soomaaliyeed.
Muqdisho,02, Agoosto-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka
ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay
in ay Dowladdiisu mudnaan weyn siineyso dhallinyarada
oo uu ku tilmaamay in ay yihiin cudud aan looga maarmin
nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in fursadaha dhallinyaradu
ay yihiin kuwo aan xad lahayn, wuxuuna aad ugu dhiirri
geliyay in ay is abaabusho oo ay ku midowdo hal hoggaan
oo xaqiijiya xuquuqdooda isla markaana ku haga gudashada
waajibaadka ka saaran dalka.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu dooneyso
in ay dhallinyarada kala shaqeyso dhinacyada siyaasadda,
sugidda amniga, horumarinta adeegyada waxbarashada iyo
caafimaad iyo kobcinta dhaqaalaha.
Madaxweynaha oo maanta Xarunta Madaxtooyada kulan quraac
ah kula qaatay dhallinyaro ay ka mid yihiin kuwa shaqeeya,
qaar waxbarta, Madax ururro dhallinyaro iyo qaar ka
soo laabtay dalka dibaddiisu,
waxaa uu marka hore dhegeystay erayo isugu jiray codsi,
su’aalo iyo talooyin ay soo jeediyeen dhallinyaradu.
Madaxcweynuhu waa uu ka jawaabay su’aalaha isaga oo
isla markaana sheegay in talooyinka iyo codsigaba la
tix gelin doono. Wuxuuna ballan qaaday Madaxweynuhu
in kulammada noocan ahi ay hadda ka dib sii socon doonaan.
Wasiirka Sportiga, Dr. Khalid Maxamed Cali, oo isaguna
kulankaas khudbad ka jeediyay waxaa uu soo bandhigay
waxqabadka Wasaaradda iyo in ay diyaarisay xarun ay
dhallinyaradu ku shiri karaan ra’yigoodana ay ku kala
qaadan karaan.
-DHAMAAD-