Hay’adda (Mama Madiina Foundation) oo dhowaan howlo samafal ah ka fulineysa gudaha Soomaaliya

2 Agoosto, (London)

Galbeedka Magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaa habeen hore lagu qabtay munaasabad deeq uruurin loogu sameynayey hay’adda samafalka (Maama Madiina Foundation) oo ah hay’ad samafal ah kheyri ah, looguna talogalay inay caawiso dadka danyarta ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaana barnaamijkan ka soo qeybgalay Jaaliyadda Xaafadda Streatham ee Magaalada London.


Bashiir Max’ed Cabdi ayaa saxaafadda u faahfaahiyey ujeeddada loo aasaasay hay’adaasi & qorshe howleedka ay fulineyso waqtiyada soo socda & Gobolada ay ka howlgaleyso.

“Dadkii ay soo wada shaqeeyeen Maama Madiino, ayaa talo inoogu soo jeediyey in la sameeyo hay’ad kheyri ah (Charity), si howshii samafalka aheyd ee ay ku jirtay maamada ilaa geerideedii in la sii wado, halkeedii na laga sii ambaqaado, maadaama intii ugu badneyd cimrigeeda ay caan ku aheyd taakuleynta dadka masaakiinta & danyarta, annagana talladaasi waxaan ku soo dhoweynay gacma furan waxaana ku guda jirnaa sidii hay’adda Mama Madiina ay gudaha dalka uga howlgeli laheyd” Ayuu yiri Bashiir Max’ed Cabdi oo ay dhashay ALLAHA u naxariistee Marxuumad Madiina Janaraal, waxaana uu intaasi ku daray in qoys ahaan in iyagu ay u guteen waajibaadkoodii, ayna hooyadood si (waqaf) ah ugu diyaariyeen in ay u dhisaan masjid & iskuul.

Bashiir Max’ed wuxuu sheegay in markii ay ku dhawaaqeen {Mama Madiina Foundation} in ay la soo xiriireen hay’ado samafal ah, ganacsato Soomaaliyeed & qaar ka mid ah qurba joogta Soomaalida oo daneynaya in ay (conterpution) ku darsadaan hay’adaasi, isaga oo ku tilmaamay tilaabo wanaagsan oo dhiiragelineysa.

“Nasiib wanaag, durbadii ba waxaa dalabkaasi ka soo jawaabay hay’ado & NG0 ka dhisan gudaha dalka & dibedda & dadkii ay soo wada shaqeeyeen waxey inoo furtay albaab cusub waxaana ku dhiiraneynaa inaan howsha ballaarino”Ayuu yiri Bashiir.

Bashiir Max’uud Cabdi wuxuu kale uu sheegay in dhowaan ay magacaabi doonaan Guddi hay’adaasi ka socda oo socdaalo ku soo kala mara dalal ka tirsan Yurub, Waqooyiga Ameerika & waddamada Carabta si loo helo

“Waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo talo & tusaale innagu biirin karta inay na la soo xiriiraan, waxaan diyaar u nahay inaan dhageysano cid kasta oo nagala shaqeyneysa sidii qorshaha samafal ee aan wadno uu u najaxo” Ayuu yiri Bashiir.

Madiino Max’uud Cabdi (Madiina Janaraal) ayaa u geeriyooday sannadkii 2007 dhaawac ka soo gaaray xilli ay dad qaxooti ah oo Muqdisho ka soo barakacay raashin ugu qeybineysay Agagaarka Jaamacaddii Beeraha ee ku taala inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Marxuumad Madiino Janaraal ayaa lagu xusuustaa inay hormuud u aheyd Haween u ololeeya in ay Nabad iyo Nolol helaan Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, waxayna howshoodaas bilaabeen sannadkii 2000, iyagoo dib u furay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo muddo dheer xirnaa, kaasi oo ilaa iyo haatan si lacag la’aan ah loogu daweeyo Haween iyo Caruur badan oo qaarkood ay ka yimaadaan meelo fog.

ALLAHA u naxariistee Marxuumada waxaa sidoo kale ay ka mid aheyd haweenkii furay Dugsiyo ay wax ku bartaan dadka aan awoodin in ay wax ka bartaan Dugsiyada lacagta lagu dhigto, waxay dib u howlgeliyeen Waddooyin maritaankooda laga baqi jiray oo Muqdisho ku yaala, waxaa kaloo lagu xusuustaa haweenkan in ay hub ka dhigis iyo dhaqancelin ku sameeyeen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo hubeysnaa oo geysan jiray falal isugu jira dhac, dil iyo kufsi, kuwaasi oo markii ay dhaqanceliyeen ay u abuureen mehrado shaqo, sidoo kalena waxay sameeyeen Ciidamo xaafadeedyo suga ammaanka xaafadahooda, kuwaasi oo shaqeyn jiray wixii ka horeeyay xiligii Maxkamadihii Islaamka.


Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com
Webmaster@dayniile.com

Copyright © 2007 Dayniile.com All Rights Reserved

Contact Us at: Dayniilecom@hotmail.com

 

DecorCollection歐洲傢俬| 傢俬/家俬/家私| 意大利傢俬/實木傢俬| 梳化| 意大利梳化/歐洲梳化| 餐桌/餐枱/餐檯| 餐椅| 電視櫃| 衣櫃| 床架| 茶几

橫額| 貼紙| 貼紙印刷| 宣傳單張| 海報| 攤位| foamboard| 喜帖| 信封 數碼印刷

QR code scanner| SME IT| system integration| inventory management system| label printing| Kiosk| Voice Picking| POS scanner| POS printer| System Integrator| printing labels| warehouse management| thermal printer| mobile solutions| mdm solutions| mobile device management

邮件营销| Email Marketing| 電郵推廣| edm营销| 邮件群发软件| edm| 营销软件| Mailchimp| Hubspot| Sendinblue| ActiveCampaign| SMS

Tomtop| Online shop| Online Einkaufen

地產代理/物業投資| 租辦公室/租寫字樓| 地產新聞| 甲級寫字樓/頂手| Grade A Office| Commercial Building / Office building| Hong Kong Office Rental| Rent Office| Office for lease / office leasing| Office for sale| Office relocation

香港甲級寫字樓出租

中環中心| 合和中心| 新文華中心| 力寶中心| 禮頓中心| Jardine House| Admiralty Centre| 港威大廈| One Island East| 創紀之城| 太子大廈| 怡和大廈| 康宏廣場| 萬宜大廈| 胡忠大廈| 信德中心| 北京道1號| One Kowloon| The Center| World Wide House

| 國際小學| 英國學校| International schools hong kong| 香港國際學校| Wycombe Abbey| 香港威雅學校| school day| boarding school Hong Kong| 香港威雅國際學校| Wycombe Abbey School

Addmotor Electric Bike| Electric bike shop / electric bicycle shop| Electric bike review| Electric trike| Fat tire electric bike| Best electric bike| Electric bicycle| E bike| Electric bikes for sale| Folding electric bike| Electric mountain bike| Electric tricycle| Mid drive electric bike Juiced Bikes Pedego Rad-Power