Dowlada
Canada oo raadineyso Taliyaha Cusub ee Boolisa Soomaaliyeed
Una heysato Danbiyo Culus
Warbixin lagu qoray Wargeyska Toronto Star ee ka soo
baxa dalka Canada ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaas
ay baadi-goob ugu jirto taliyaha ciidamada booliska
Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Xasan Ismaacil Faarax kaddib
markii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal intii ay
jirtay dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.
Canada, oo muddo raadineysay Maxamed Xasan, ayaa iminka
si rasmi ah u ogaatay xilka loo magacaabay, waxaana
suurta gal ah inay dalab u dirto dowladda Somalia, si
loogu soo wareejiyo.
Wargeyska oo soo xiganaya Waaxda dib u dajinta qoxootiga
dowladda Canada ayaa sheegay in taliyaha booliska loo
heesto eedeemo culculus oo ku aadan dhinaca aadanaha
kuwaasoo uu mas’uul ka ahaa xilligii ay jirtay dowladii
millitariga.
Taliyaha booliska ayaa eedeemaha loo soo jeediyay waxaa
ka mid ah in uu jirdil iyo tacdi kale uu kula dhaqaaqay
dad rayid ah kuwaasoo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla gobalada
waqooyi ee hadda la baxay Somaliland sidda lagu sheegay
warbixinta wargeyska.
Dowladda Canada ayaa sheegtay ninkan in uu 7-sanno
ku noolaa dalka Maraykanka balse markii dambe uu u soo
cararay dalka Canada, balse marki la ogaaday in uu yahay
dambiil dagaal in uu u cararay dalka Soomaaliya oo uu
hadda ku nool yahay, sidaas Wargeyska ayaa qoray.
Dowladda Canada waxaa kaloo ay sheegtay in baadigoobeyso
taliyaha booliska Soomaaliya isla markaana ay dooneyso
in ay sharciga hor keento maadama uu yahay dambiile
dagaal.
Wuxuu mas’uul ka ahaa dambiyo dhacay sannadkii 1984-tii
xilligaas oo madax ka ahaa booliska Soomaaliya ayaa
lagu sheegay warbixinta.
Wargeyska ayaa xiriir la sameeyay xafiiska ra’iisal
wasaaraha si ay uga jawaabaan eedeeha loo soo jeediyay
taliyaha booliska balse jawaab kama helin sidda lagu
qoray Wargeyska Toronto Star.
Si kastaba, ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed
oo qudhiisa heesta dhalashada dalka Canda ayaa u magacaabay
Maxamed Sheekh Ismaacil Faarax taliyaha booliska kaddib
markii dhawaan la isku dyay in lagu dilo weerar lagu
soo qaaday xarunta madaxtooyada xilli habeen ah.
Xigasho www.Badweyn.net