Dagaal
ay ka qeyb qaateen dayuurado wax duqeeya oo ka dhacay
duleedka magaalada Kismaayo
Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa dagaalo culus oo shalay
ka dhacay degaano ku dhow magaalada Kismaayo ee gobolka
Jubada hoose kaasoo dhexmaray ciidamada maamulka Jubba
iyo xoogaga Al-shabaab.
Dagaalkan oo khasaare badan dhaliyey ayaa bilowday markii
ciidamada maamulka Jubba ay weerareen fariisimo Al-shabaab
ku leeyihiin dhul howd ah oo ku yaala meelo ku dhow
Kismaayo.
Labada dhinac ayaa dagaalamayey saacado badan, iyagoo
isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku
jireen madaafiic iyo rasaas ka dhaceysay qoryaha culus
ee ku rakiban gaadiidka dagaalka.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalka ay markii dambe
ku biireen dayuurado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada
Kenya kuwaasoo ka koobnaa Helicobtaro gacan siinayey
ciidamada maamulka Jubba, isla markaana weerarayey goobaha
ay difaaca kaga jireen xoogaga Al-shabaab.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay labada
dhinac isaga gubeen gaadiid dagaal.
Qiyaastii 20 ruux oo labada dhinac isugu jiray ayaa
dagaalkaas ku dhimatay halka 50 kale ay ku dhaawacmeen
sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya goobaha
lagu dagaalamay oo saaka degan hase ahaatee ay weli
isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac, iilaa haddana
saraakiisha Jubba iyo Al-shabaab faahfaahin kama bixin
dagaalkan oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee mudooyinkan
ka dhaca halkaas.