Madaxweyne
Gaas oo sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashintay
hirgelinta nidaamka federaalka
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali
Gaas ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyey munaasabad
lagu maamuusayey sanad-guuradii 16aad ee ka soo wareegtay
aasaaskii Puntland, taasoo lagu qabtay magaalada Garoowe.
C/wali Gaas ayaa ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray
maamulka Puntland mudadii 16ka sano aheyd ee uu jiray,
waxyaabaha sababay sameynta maamulkaas iyo guulaha uu
ka gaaray nabad ku soo dabaalida iyo horumarka degaanadaas.
Waxaa uu si gooni ah uga hadlay C/wali Gaas mudadii
koobneyd ee uu maamulkiisu jiray iyo waxyaabaha illaa
hadda u qabsoomay, isagoo xusay iney maamulkiisa isbedel
balaaran oo la taaban karo u horseedi doono shacabka
Puntland.
Mar uu soo hadal qaaday xaaladaha kale ee dalka ayuu
sheegay C/wali Gaas in dowlada Somalia ay si cad ugu
fashilantay mudadii ay jirtay hirgelinta nidaamka federaalka
oo buu yiri ka mid ah waajibaadka dastuuriga ah ee laga
doonayey iney gudato, isagoo taa bedelkeedna ku eedeeyey
madaxda dowlada iney ku tunteen dastuurka.
Mar uu soo hadal qaaday xiisadaha dhinaca xadka ee
maamulkiisa kala dhexeeya Somaliland ayuu sheegay in
Puntland aysan marnaba gorgortan ka geleynin dhulkeeda,
isagoo saraakiisha ciidamada Puntland ugu baaqay iney
qaadaan talaabo dib loogu soo celinayo degaanada maamulkiisa
ka maqan.